March29 , 2023

    Wararkii ugu dambeeyey ee shirarka Muqdisho, aragtida beesha caalamka, rajada garabkii Dhuusamareeb 3 & cidla ku dhaca Puntland.

    Related

    How Valuable Are American Eagle Gold Coins?

    When looking to invest in gold, one option many...

    Yes, You Do Need Another Loan: A Debt Consolidation Loan

    Life happens. Jobs disappear, vehicles stop running, hospital stays...

    Learn More About The Anti-Aging Properties Of Snail Cream

    Irrespective of your age or condition, dermatologists agree that...

    Share

    Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dedaalo lagu doonayo in lagu furo shir ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya una dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

    Madaxtooyada Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan inay ku mideeyaan ajandayaasha dhinacyadu wataan ee gundhigga u noqon doona bilowga shirka.

    Dhinacyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa doonaya in shirka gundhig looga dhigo qodobadii ka soo baxay Dhuusamareeb 3, iyagoona diidey in dooda laga bilaabo meel ka hoosaysa.

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa doonaya in shirka laga bilaabo qodob aan ka ahayn doorashada iyo in DFS ciidankeeda ka soo saarto gobolka Gedo maamulkana gacantiisa dib loogu soo celiyo.

    Puntland ayaa dhankeeda u xusul duubaysa sidii shirku u noqon lahaa mid lagu hirgeliyo aragtiyo cusub meeshana laga saaro hashiisyadii horay ay u galeen madaxda saddex maamul goboleed iyo madaxtooyada Soomaaliya.

    Beesha caalamka iyo madaxtooyada Soomaaliya waxa ay dhankooda ayidsan yihiin in shirarka Muqdisho sal looga dhigo qodobadii ka soo baxay Dhuusamareeb 3 lana dhegaysto cabashada maamuladii ka maqnaa.