September21 , 2023

    Sheikh Idiris oo Cajiib ah uga hadlay Wasiirada Cusub iyo R/wasaare Rooble waxa hor yaala !

    Related

    Masonry Waterproofing Services

    Masonry is a beautiful material that can be preserved...

    5 Reasons to Invest in Asphalt Paving

    Asphalt is a popular construction material that offers many...

    The Essential Guide to Choosing the Right Fire Restoration Company

    Fire damage restoration can be stressful, especially in the...

    Miami Car Shipping: What are the Advantages and Disadvantages?

    Florida is a vibrant state known for its stunning...

    Share

    Sheikh Maxamed Idiris ayaa Tallooyin iyo Duco usoo jeediyey Raysal wasaaraha Cusub ee dalka, Wuxuuna tilmaamay inaanu isku badin Qodobada uu Balan qaaday ee Xooga uu saaro Amniga oo inta kale ay ku xigaan,  Wuxuu sidoo kale ka hadlay magacaabista Wasiirada iyo dadka Xilkaasi u Ordaya.

    Ra’iisulwasaraha cusub Mudane Maxamed xuseen Rooble waa ugu hambalyaynayaa xilka culus ee uu qaaday, waxaanan ugu ducaynayaa in Ilaahay u fududeeyo, khayrka iyo wanaaga dadka iyo dalkana waafajiyo.

    Mudane khayr allaha ku siiyo, ducaqabe Allaha kaa dhigo, laakiin ha isku badin 8-Qodob ee aad Balan Qaaday, midka u horreeya keliya (Amniga – Nabadgelyada) weliba caasimadda keliya ayaan kugu la talin lahaa inaad xoog saarto, muddada gaaban ee aad haysato, raad muuqda oo nabad gelyo caasimadda ka muuji, 7da kale (amniga) ayaa kuu dhalaya inshallah.

    MA LAGA YAABAA  !

    Ma laga yaabaa oo Suurta gal ma tahay? In Ra’isulwasaaraha cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble la yimaado dhaqan siyaasadeed ama xirfad hogaamineed oo cusub?

    Waxaan hubaa ilaa shalay iney hoygiisa buux dhaafiyeen (xildoonayaal) (aan xishoon) oo fara badan, oo aan u qalmin in (waxar jaban) lagu aamino iska daa in masiirka ummadda loo dhiibo!.

    Ma laga yaabaa in Ra’iisulwasaaruhu (dhaqankii xumaa) khilaafo oo (wasiirro kooban) (9 ilaa11) oo sidiisa (cusub) oo (xirfad iyo xarraga shaqo) leh xusho.

    waa cabbirka ugu horreeya oo aanu kugu qiimayn doonno mudane rooble, in kasta oo go’aanka la gula leeyahay, haddana xisaabteeda adigaa u qoollan, oo xilka qaaday, ummadda soomaaliyeed waa ku sugeysaa, Rabbina waa ku arkayaa, Ilaahay khayrka ha ku waafajiyo.