March29 , 2023

    Madaxwayne Farmaajo oo ku dhowaaqay Xiliga shirka Muqdisho Furmayo iyo Maamulada oo lagu Casuumay

    Related

    How Valuable Are American Eagle Gold Coins?

    When looking to invest in gold, one option many...

    Yes, You Do Need Another Loan: A Debt Consolidation Loan

    Life happens. Jobs disappear, vehicles stop running, hospital stays...

    Learn More About The Anti-Aging Properties Of Snail Cream

    Irrespective of your age or condition, dermatologists agree that...

    Share

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

    Shirkan ayaa la sheegay in lagu lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3. waxaana shirkaasi uu qabsoomayaa 10 bishaan September.

    Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maanta uu magaalada Baydhabo shir uga furmayo madaxda maamulada  Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo horay uga wada qayb galay shirkii Dhuusamareeb3.

    Sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kuwaasi oo sugaya inay madaxda maamulada kale kusoo biiraan Shirka Muqdisho.

    Madaxda Ku shirsan Baydhabo ayaa la filayaa inay isla meel dhigaan Go’aanada ay la imaan doonaan Shirka magaalada Muqdisho, ee Madaxwayne Farmaajo uu dhigay Gogoshiisa.