Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee dalka Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleeyada dalka.
Cabdiqaasim ayaa kula taliyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa kale ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland in xalka laga abaaro dhanka wanaaga, wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan in laga gudbo nidaamka 4.5, islamarkaana dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne, si ay shacabku wax u doortaan.
“4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan” ayuu yiri C/qaasim.