September27 , 2023

    Cabdiqaasim Salaad Xasan oo diray fariin muhiim ah, ka hor furitaanka shirka Muqdisho

    Related

    How Does Phoenix Car Shipping Work?

    These days, a lot of us are moving around...

    Masonry Waterproofing Services

    Masonry is a beautiful material that can be preserved...

    5 Reasons to Invest in Asphalt Paving

    Asphalt is a popular construction material that offers many...

    The Essential Guide to Choosing the Right Fire Restoration Company

    Fire damage restoration can be stressful, especially in the...

    Miami Car Shipping: What are the Advantages and Disadvantages?

    Florida is a vibrant state known for its stunning...

    Share

    Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee dalka Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleeyada dalka.

    Cabdiqaasim ayaa kula taliyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa kale ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland in xalka laga abaaro dhanka wanaaga, wada shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan in laga gudbo nidaamka 4.5, islamarkaana dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne, si ay shacabku wax u doortaan.

    “4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ahayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ahaato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doorasho dadweyne si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan ayuu yiri C/qaasim.