March23 , 2023

    Raysal wasaare Rooble oo Kulan muhiim ah la Qaatay Gudoonka Baarlamaanka

    Related

    Yes, You Do Need Another Loan: A Debt Consolidation Loan

    Life happens. Jobs disappear, vehicles stop running, hospital stays...

    Learn More About The Anti-Aging Properties Of Snail Cream

    Irrespective of your age or condition, dermatologists agree that...

    Business and Leisure Travel Place in Phoenix

    Phoenix, Arizona is a great destination for both business...

    White Label PPC Services for Small Businesses

    As a small business owner, you may feel overwhelmed...

    Share

    Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay gudddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

    Ugu horreyn Rooble ayaa guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uga mahadceliyey codka kalsoonida ah ee ay shalay siiyeen xildhibaanada golahaasi.

    Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen.

    “Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu  yidhi  war qoraal ah oo ka soo baxaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

    Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay shalay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen golaha shacabka ayaa shaqada ugu horreysa ee u taalla waxa ay tahay inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada, si uu u horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

    Rooble oo heysta muddo kooban ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu muhiimsan-tahay fulinta heshiiskii laga gaadhay doorashada soo socota ee 2020/21.