October15 , 2024

    Ciidamada Jubbaland oo sheegtay inay Qabsadeen deegaan Muhiim ah

    Related

    Relaxation Techniques for a Stress-Free Vacation

    Key Takeaways Learn about various relaxation techniques to enhance your...

    Why Custom Carpentry is the Key to Personalized Home Design and Lasting Quality

    Table of Contents Introduction Creating Unique Designs Tailored to Your Taste Durability...

    Efficient Strategies for Maintaining Commercial Stone Surfaces

    Table of Contents The Importance of Stone Maintenance Common Challenges in...

    Transforming Healthcare: The Role of Skilled Care Pharmacy Consulting

    Key Takeaways: Pharmacy consulting plays a pivotal role in modern...

    Creative Uses for Ostrich Tail Feathers in Arts and Crafts

    Key Takeaways: Learn the diverse applications of ostrich tail feathers...

    Share

    Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saaka argagixisada Alshabaab kala wareegey deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose.

    Jannaa cabdalle ayaa bar muhiim ah u ahayd isu socodka Maleeshiyada Alshabaab ee deegaanada koonfurta iyo waqooyiga Jubbooyinka, sidookale waxay ahayd goobta ay lacagta ugu badan kaga qaataan gaadiidka iyo shacabka u kala gooshaya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

    Deegaanka Jannaa cabdalle ayaa magaalada Kismaayo u jirta masaafo dhan 60KM halka isla masaafadaas ay u jirto degmada Afmadow taas oo ka dhigan barta kala barta labada degmo.

    Ciidamada ayaa ku guda jira sidii dadka Shacabka ah ay si Nabad ah ugu kala gooshi lahayeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow halkaas oo dhibaato adag ay dadka Shacabka ah ugu gaysan jireen Kooxda Al-Shabaab.

    Maamulka Jubbaland ayaa maamulka keliya ee Gobol dhan (Jubbada dhexe) oo ka tirsan Saddexda gobol ee maamulku ka Kooban yahay ay maamulaan Alshabaab ,  Waxaa sidoo kale degmooyin badan oo ay ka Maamulka Gobolka Jubbada Hoose,  Waxaana intaasi dheer iyadoo gobolka Gedo intiisa badan  laga diiday Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe Hogoomiyo, dhowaana ay shir gaar ah Qabsadeen.