March29 , 2024

    C. C.shakuur oo Sheegay inay Itoobiya Dawlado kale kasoo dhex baxayaan, Muxuuse ka yidhi Doorashada Somalia ?

    Related

    Unlocking the Magic of Jewelry

    The trend for women of all ages is wearing...

    Jollibee Marketing Strategy 2024 – Strategic Report As a Case Study

    Founded in 1978, Jollibee is a famous fast-food chain...

    The CyberKannadig Movement: In-Detail Explanation

    India is a culture-rich country with so many cultures...

    Quordle Clues, Hints, And Answers To Make It Easy For You

    Quordle is an interesting word game that gives nine...

    Share

    Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay Doorasho ka dhacaysa dawlad deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya , Wuxuuna sidoo kale kusoo Lifaaqay Warbixin uu horay uga Qoray Sanadii 2018 , Wuxuuna Qoraalkiisa sidoo kale uga hadlay Doorashada Soomaaliya.

    “Maalinta Arbacada ah Dowlad Deegaanka (DD) Tigray ee dalka aan deriska nahay ee Itoobiya waxaa ka dhacaya doorashadii Baarlamaanka iyo golayaasha dowladaha hoose.

    Waxey ka soo horjeedaan muddo kororsi uu Baarlamaanka Itoobiya u sameeyey Abiy Ahmed, Raysalwasaaraha Itoobiya oo muddo xileedkiisu ku ekaa bisha Septembar ee aynu ku guda jirno. Dowlad deegaanka Tigray waxay ka soo horjeesteen go’aankaas muddo kordhinta, iyagoo ku tilmaamay in uu Dastuurka dalka iyo kan Dawlad Deegaanka Tigray khilaafsan yahay.

    Waxaa kaloo iyana diiday muddo kordhinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka Itoobiya. Dhammaan hoggaamiyayaashii xisbiyada ayaa xabsiga la dhigay.

    RW Abiy ayaa lagu eedeeyey in uu hannaanka Federaalka ah ka soo horjeedo, doonayana in uu Itoobiya dib ugu celiyo xukun xarun dhexe oo kali talis ah. Waxaa kaloo lagu eedeeyey in uu taladii Itoobiya isaga iyo kooxyar oo kale isku soo koobeen, kuwaasoo ka shidaal qaata aragtida siyaasadeed ee Qowmiyadda Amxaaradu muddo badan dalka Itoobiya soo xukumayey.

    RW Abiy ma laha awood uu ku joojiyo doorashada Dowlad Deegaanka Tigray, keliya waxaa u furan in uu ku gacan seyro natiijada doorashada, sidaasna ay Dowlad Deegaanka Tigray ku noqoto mid gooni u taagan.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Taliskiisa Nabadsugidda oo ka qalin daarta, taageerana ka helayey rajiimka RW Abiy, ayaa isku deyey in ay maraan marinkii Abiy ee muddo kororsiga, laakiin way u socon wayday, inkastoo aysan weli ka quusan.