Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hay,adda IOM oo Xarumo Caafimaad iyo Barakacayaasha Baardheere u qeybisey Gurmad Daawo(Dhageyso+Daawo Sawiro)

Hay,adda Samafalka International Organization Migration (IOM) oo kaashanaysa Ururada Samafalka wadaniga ee ka howlgala degmada Baardheere ayaa Maalmahii ugu dambeeyey gudaha degmada waxay ka wadey kulamo lagu qiimaynayey xaaladaha bini,aadinimo ee ka taagan deegaanka,waxaana kulamadaasi bar bar soconayey howlo gurmad daawo ay hay,adda ay u fidinaysey dad gaaraya ilaa 1600 oo ruux oo u badan Haween,Caruur iyo dad waayeel ah oo la liita Xanuuno.
Dadka ka faa,ideytay Gurmadkani daawo oo qaarkood  ku jira Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala duleedka Baardheere iyo bukaano lagu qaabiley ilaa 6 xrumood oo ku yaala gudaha ayaa waxaa loo sameeyey adeegyo caafimaad oo ay ka mid yhiin Daaweyn guud,daawooyinka lagu nadiifiyo biyaha iyo saabuunta lagu meyrto,Deeqdani daawo ayey hay,adu maalmo ka hor   ku soo gaarsiisey deegaanka Dulimaad diyaaradeed sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaalka IOM u qaabilsan Gobolka Gedo.
Sidoo kale Xuseen Cabdulaahi xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere oo la hadlayey GOOB JOOG ayaa waxaa uu hay,adda IOM uga mahadceliyey kaalmada Daawo ee ay soo gaarsiiyeen deegaanka,waxaana uu ka codsadey hay,adaha samafalka Caalamiga iyo kuwa wadaniga in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah ay la soo gaaraan deegaanka.
Degmada Baardheere ayaa waxaa xilligan ku sugan Boqolaal Qoys oo ku barakacay Abaaro iyo colaado,kuwaasi oo u hanqal taagaya sidii ay gar gaar bini,aadinimo ay  uga heli lahaayeen Hay,adaha Samafalka.
Barakacayaashan oo xeryo ka sameystey duleedka Magaalada ayaa waxay ka kala yimaadeen deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo,Bay iyo J/dhexe.
Sawir Madaxa Arimaha Bulshada 1 2 3 5 DSC08396
Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO+SAWIRO:-Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Dib-U-Eegista Dastuurka
- Nov 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ...
TOPNEWS:-Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Dawladda Puntland Ee Sanadda 2018
- Nov 19, 2017
 
DHAGEYSO:-Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe oo furmay & wixii looga hadlay
- Nov 19, 2017
Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe ayaa manata ka furmay magaalad agaaroowe waxaana ka ...