Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Jubbaland oo Shaacisay Shuruudaha lagu xiray sii deynta Wasiir Janan

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wafdi isugu jira odayaal, ganacsato iyo aqoonyahano ay tageen Muqdisho, si dowladda federaalka ay uga la hadlaan siideyntiisa Wasiir Janan balse la hor-dhigay shuruudo dhowr ah.

” Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya,dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayu BBC-da u sheegay Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka oo aan sheegin cidda ka tirsan dowladda federaalka ee ay la hadleen Jubaland ayaa intaasi ku daray in marnaba aysan aqbali karin oo taas ay ka dhigan tahay in ciidammadii Jubalanad ee Al Shabaab la dagaalamayay la kala diro.

Dowladaha deriska ayuu sidoo kale sheegay inay ka wada shaqeeyaan ammaanka labada dhinac,dalabkas na uusan macquul ahayn.

Xaaladda Cabdirashiid ayuu sheegay in aysan ka warheynin oo aanay garaneyn xaaladiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/