Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Wareysi xiiso leh oo lala yeeshay Ra’isulwasaarihii hore ee Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Ra’isulwasaarihii hore ee soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo haatan ku sugan dalka ingiriiska ayaa waxaa wareysi xiiso leh la yeeshay Wariye Durraan Cabdullaahi Shurwac oo ka tirsan Telefeshinka Caalamiga ah Horn Cable.

Waxaa Mudane Shirdoon uu labadii sano oo ugu dambaysay wax ka baranayay Jaamacadda caanka ah ee Oxford ee dalka Ingiriiska, kaasoo wareysigiisa ku sheegay inuu waxbarashadiisa ku soo dhamaystay si farxad iyo guulba ah.

Wareysigaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayuu Mudane Shirdoon ku sheegay in wax akhriska iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin hiwaayaddiisa u gaar ah, kaasoo sheegay in sababta ugu wayn ee uu u joogay Oxford ay ahayd inuu aqoontiisa baahiyo, khibradiisana kordhiyo, isla markaana daraasaad madaxbanaan ku sameeyo masalooyin badan oo ku saabsan dawladnimada iyo dalalka burburka ka soo baxay.

Dr. Cabdi Faarax Shirdoon oo ahaa Ra’isulwasaarihii ugu horeeyay ee hoggaamiya xukuumad rasmi ah oo aan ku meelgaar ahayn ayaa ugu dambayn wareysigiisa si kooban uga hadlay golihii wasiirada ee ugu yaraa ama koobnaa ee uu soo dhisay iyo waxyaabahii u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid wakhtigii uu ahaa Ra’isulwasaaraha xukuumadda.

HOOS KA DAAWO WARAYSIGA DR. SAACID SHIRDOON

Daahir F. Afdheere

Email.Afdheere@yahoo.com

——————————-
saadaal.com
saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ali says:

    Lacagtii uu ka soodhacay ummadda soomaaliyeed ayu hadda si ku takrifal ah ugubaashaalaya




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/