Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Maamulka Jamacadda Hiiraan oo ka horyimid qorshe dowladu kula wareegayso

Maamulaha Jaamacadda Hiiraan Axmed Maxamuud Nuur Qoslaaye ayaa ka horyimid qorshe Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ay kula wareegayso Jaamacada Hiiraan ee Magaalada Baladweyne.

Maamulaha Jaamacadda oo maanta warbaahinta kula hadlay Baladweyne  ayaa sheegay in aysan ogolaa doonin in Jaamacad Hiiraan ay la wareegto Dowlada Soomaaliya isla markaana Madaxweyne Waare uu bixin karo wax ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo Maamulka Hir-Shabeelle,balse uusan bixin Karin Jaamacadda Hiiraan oo sheegay in ay dhisteen dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay in Jaamacadda Hiiraan aysan aheyn mid Shaqsi uu leeyahay balse ay dhisteen shacabka Gobolka Hiiraan,isla markaana wararka kasoo yeeray Madaxweyne Waare iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre aysan aheyn mid Maamulka Jaamacadda ay kala tashadeen.

Qoslaaye  ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Wasiirka Waxbarashada uu ahaa mid siyaasadeysan oo ay ku doonayaan in ay isku soo sharaxaan markii la gaaro sanadka 2021, isaga oo baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Gobolka Hiiraan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/