Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-R/wasaare Khayre oo ku Wajahan Magaalada Xudur

Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha DFS iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, Amaanka magaaladaas ayaa si wayn loo sugay iyadoo ay gaareen wafti hordhac u ah booqashada raisal wasaaraha.

Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu booqan doona xarumaha ciidamada ee Degmada Xudur, Xarumaha loogu adeego bulshada Sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ku nool degmada Xudur. Isagoo ugu danbaynta dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed.

Dadweyne badan oo wata sawirada Ra’isul Wasaare Kheyre iyo boodhadh soo dhaweyn ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Xudur, waxa ayna dadku isugu tagayaan goob fagaare ah oo loo qorsheeyay in Ra’isul Wasaaraha kula hadlo shacabka Xudur.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxa uuna Kheyre ku jiraa safar uu ugu kuurgalayo xaaladaha kala duwan ee ka jira maamulka Koonfur Galbeed.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/