Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Khasaare Ka Dhashay Weerar Al-shabaab Ku Soo Qaadeen Garbahaarey

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ku wa Al-shabaab ayaa habeenimadii xalay ku dagaalamay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degamada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeyey, oo kala ah ciidamada xogga iyo kuwii weerarka soo qaaday.

Qof ka mid ah bulshada ku dhaqan dagmada Garbahaareey ayaa sheegay inuu jiro khasaare ay arkeen oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalaka Gedo.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inuu arkay meydka ku dhowaad sedex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku sheegeyn in ay ahaayeen qolyihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo meydkoodu yaalay afaafka hore ee saldhigga degmada.

Dhanka kale, waxaan jirin ilaa iyo hadda war ka soo baxay saraakiisha ciidamada oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, balse ciidamada ayaa saakay dhaqaaqyo kawada duleedka magaalada Garbahaareey oo lagu xaqiijinaayo ammaanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/