Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ogow Wax Walbo Oo Ku Saaban Ciyaarta Adag Ee Soomaaliya Iyo Zimbabwe

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulanka labaad ee is reeb reebka koobka aduunka 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar magaalada Haraare kula ciyaaray xulka wadanka Zimbabawe.

Kulankii hore oo ay labada wadan ku dheeleen garoonka Al-Hagi Guleed ee dalka Jabuti waxaa 1-0 ku adkaaday xidigaha dalkeena Soomaaliya waxaana goolka u dhaliyay xidigaha Elman Anwar Sayid Cali.


.
Tagaareyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Haraare,si ay dhiiri gelin iyo garab istaag ugu muujiyaan xidigaha xulkeena waxayna badankooda ka yimaadeen Koonfur Afrika.

Wafdiga ku sugan magaalada Hareere ee ka socoda Xariirka kubbadda cagta dalka waxaa hogaaminaya Cabdisamad Sheekh Qaasim oo ah madaxa farsamada xariirka kubbadda cagta,Cali Barre oo ah guddoomiyaha kooxda Hilaac iyo Cabdullahi Cilmi oo isna ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Rajo.

“Waa in aan ka dhabaynaa hadafkeena oo ah in dalkeena u samaynaa guul taariikha ah oo lagu xasuusto xidigaha matalaya wadanka,si mustaqbalka soo socda ay ugu faanaan jiilka danbe,diyaar ayaan u nahay 100% ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamuud Cali oo ah kabtanka xulka qaranka Soomaaliya.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- World Cup qualification
Dalalka-Zimbabwe VS Somalia
Tariikhda-10-09- 2019
Maalinta– Talaad0
Sacaada Kulanka-4:00pm
Cimilada Xiliga Ciyaarta:-27° / 12°
Garoonka-National Stadium
Daawashada-FIFA TV
Maxamed Xuseen Qalinle

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/