Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Q.M oo war ka soo saartay dadkii ka barakacay sanadkan gobalada dalka

In ka badan rubac-million qof ayaa ku barakacay abaaraha iyo colaadda Soomaaliya intii u dhexeeysay January iyo July ee Sanadkaan, sida ay sheegeeyso Qaramadda Midoobay.

Xafiiska Qaramadda midoobay u qaabilsan isku xirka gar-gaarka banii aadanimo oo soo xiganaya hey’adaha UNHCR, NRC iyo PRMN ayaa sheegay in dad ka badan 100,000 ay ku barakaceen abaaraha Soomaaliya Sanadkaan 2019, tiradaasna ay 50 boqolkiiba ka yartahay dadkii barakacay xilligaan oo kale Sanadkii 2018 kii.

Laakiin Qaramadda midoobay waxa ay sheegeeysaa in uu jiro koror ah 28, 000 oo qof  oo barakacay Bishii Julay, taasi oo 57 boqolkiiba ka badan Bishii June ee isla Sanadkaan.

“Barakaca ugu badan eee colaadda la xiriira waxaa uu ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay ka socdaan howlgaladda ay wadaan Ciidanka Soomaaliya ee la dagaalamaya Al-shabaab” ayaa lagu sheegay qiimeeyntii banii aadanimo ee ugu dambeeysay ee uu soo saaray xafiiska UN-OCHA.

Colaadaha iyo amni daradda ayaa loo aaneeyay in ay ku barakaceen 126,000 qof waxaana dadkaas guryahoodi kasoo cararay lasheegaya in ay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, sida ay daabacday hey’adda kormeerka banii aadanimadda kashaqaysa ee PRMN.

Qaramadda Midoobay ayaa warkeeda waxaa ay ku sheegtay in uu muuqdo hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada dadkii Colaadaha u barakacay Sanadkii 2018kii.

Waxaa jira dad qasab lagu kiciyay iyada oo aan lasiin wax digniin ah ama digniin aan ku filneyn lasiiyay, dadkaas waxaa ay tiradoodu gaareeysaa 134,000 oo qof, 108, 000 oo dadkaas ka mid ahna waxaa laga kiciyay Muqdisho oo kaliya, sida uu sheegayo xafiiska UNOCHA.

Warbixintu waxaa ay intaas ku dareeysaa in dhinacyadda banii’aadanimadda ka taageera Soomaaliya ay caawiyeen dad badan oo ka mid ah kuwa barakacay, balse weli jiraan dad badan oo gar gaar u baahan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/