Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO+SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Koonfur Galbeed Ku Wareejiyay 150,000 Doolar Oo Lagu Horumarinayo Garoonka Ciyaaraha Dr. Ayuub

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee magaalada Beydhabo.

Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Beydhabo ayaa ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Garoomada Ciyaaruhu
    Baryahaan Danbe Si Isdabajoog Ah Ayaa
    *Xasan Cali Khayre*
    U Maalgalinayaa??.

    Laakiinse Dhinyarada
    Mashaariic Waxbarasho
    Iyo Wax Soosaar Ayaa Uga Muhiimsan
    Ciyaaraha Iyo Mada Daalada, Dalkii
    Soomaaliya Kala Bar Kenya Ayaa Xoog Kuhaysata, Kala Bar-na Xabashi Ayaa Xoog Kuhaysata!!.

    Dowladii Soomaaliya-na
    Ciyaaro Iyo Heeso Ayay Ragii Ku Mashquulisay? Waayaabe Dhirqoolkaan
    Ma Shisheeye Ayaa Kadanbeeysa??

    Waasuurtagal In Dhalinyaradii
    Soomaaliyeed Lasuuxiyo”
    Ama La Madadaaliyo, Dalkii Soomaiya-na Ay (Dhalinyaradii Kenya Iyo Itoobiya)
    Xoog Kuqabsadaan Arrintaasi Cilmi Baaris Ayay Ubaahantahay.

    Sidaasi Darteed Madaxda Soomaaliweyn,
    Waa 2 Labo’ Xaaladood Midkood
    Ama Labadaba.

    1- Aqoon Yari Iyo Waayo Arragnimo La’aan Ineey Haysato Oo Shaqadu Sideey Ukala mahiimsantahay”
    Aysan Garaneeynin!! Waa Macquul.

    2- Iyo Ineey Yihiin
    Niman Dowlado Kale U Shaqeeynaaya
    Oo Lasoo Kabtuurey??.

    Waxaana Lagu Ogaankaraa Si Sahlan
    Maamaah Soomaaliyeed Ayaa Waxaytahay
    *Saaxiibkaa Ii Sheeg Aan Waxaadtahy Kuu Sheegee*?.

    Hadii Ay Kuhowlanyihiin Arrimahaan Soosocda Waa Madaxwanaagsan, Ilaalinta Iyo Kormeerka, Xuduudaha Badda Iyo Barigga Dalka,
    Iyo Beeraha Iyo Xoola Dhaqatada Iyo Ceelasha Biyaha Iyo Dugsiyada Quraanka
    Iyo “Tixgalinta Diinta Islaamka”
    Iyo Soodhaweeynta Culimada Soomaaliyeed” Calaamadahaasi
    Wanaag Iyo Wadaniyad Ayay Markhaati U Yihiin.

    Dhinacakalena,
    Waxaa Calaamad U Ah
    Musikada Iyo Garoomada Ciyaaraha
    Iyo Hubka Dalka Lagusoo Daldalaayo
    Ciidamo Aan Shisheeye Difaacaynin
    Oo Maalinkastaba Laqoraayo!! Iyo “Darajooyin Iyo Garaado’ Caruur Lagutaxaayo? Iyo Beeraha Caalamka Ayaa Na “Amaantay” Iyo Amisom Waa Walaaleheen!! Iyo Dumarka Soomaaliyeed Ciidamada Ha Hogaamiyaan??
    Iyo Golaha Murtida Iyo Madadaalada “Tiyaatar-ka Hala Dhiso,
    Waxayaabahaasi Waa “Calaamadaha
    Markii Horeba Burburka Soomaaliya Keenay. Maantana Cidina Umabaahna
    Ee Runta Hala Wajoho!
    Dalka Iyo Dad-na Wax U Qalma Halagu Hogaamiyo Waana Waajibaad
    Soomaaliweyn Oo Dhan Dhexyaala.




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/