Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wada-hadallo u socda Axmed Madoobe Wararkii Ugu Danbeeyay

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo.

“Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow madaxtooyada maamulka jubbaland oo dhanka axmed madoobe ah

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada.

Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/