Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

”Way naga aarsanayaan!” – Kenya oo CABSI ka Muujinaysa kororka tirada Soomaalida & dood ka dhalatay arintaas!

Soomaalida ku nool gobolka NFD oo ay Kenya u taqaanno Woqooyi Bari ayaa la sheegayaa inay tiro ahaan sanadihii dambe aad u kordheen Soomaalida ku dhaqan , waxaana doodi ka timid qaabka ay arrintaa ula macaamilayso saxaafadda Kenya oo sheeganaysa inay Soomaalidu ka mid tahay dalka Kenya, misna riixaysa.

Tusaale ahaan Wargeyska The Star ayaa afartii bishan Sebtembar qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Maxay tahay sababta ay noo cabsi gelinayso kororka tirada Soomaalidu?”

Wargeyska  Standard Media oo isla Kenya kasoo baxa ayaa warbixin uu qoray bishii Maarso 2018, isna qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kali talisnimo: Sinjiga Soomaaliyeed oo kusoo biiray afarta sare.”

Waxay noola dhaqmayaan sidii aan ula dhaqmaynay tan iyo xornimadii!

 cabsida ay Sheegeen Saxaafada Kenya  wargeyska  The Star wuxuu u cuskaday in Soomaalida oo cuqdad badan u qabta qabaa’ilka kale ee Kenyan-ka oo tacaddiyo badan kula kacay ay aarsan doonaan marka ay tiradoodu gaarto heer ay tillaabo qaadi karaan.

Dad badan oo aqoon yahan ah ayaa soo jeediyay in wargayskan la dacweeyo maadaama uu xoojinayo aragti ku dhisan ”annaga iyo ayaga” taasoo keeni karta qalaanqal bulsho iyo xitaa xasuuq Kenya ka dhaca.

”Soomaalidu waxay ka mid tahay qowmiyaadka ugu badan Geeska Afrika, waxyar un baa ka jooga Kenya, marka Soomaalidu mar kasta waa dad tira badan.” ayuu yiri aqoonyahan Kenyan ah oo doodda ka qayb gelayay.

Aqoonyahannada qaar ayaa soo jeediyay in Soomaalidu ay joogtey dhulkan ay haatan Kenya sheeganayso boqollaal sano xitaa kahor imaanshihii qabaa’ilka Baantuuga ah ee ka soo Talaabay galbeedka Afrika.

DoodA arrintan ku saabsan waxaa  sameeyay TV-ga la yraahdo Nation TV.

HALKAN HOOSE KA DAAWO.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Kenya Way Khalkhalshay, Dhankasa Oo La Eegaba Kenya Jabhadnimo Ayay Isugdhuratay.

    Waxayna Mudantahay In Qaab Jabhadnimo
    Loo Aqoonsado. Lagana Dhexsaaro Dalka Soomaaliya Iyo Waliba Siyaasada Soomaaliya, Iyo Waliba Gobolka NFD.

    Kenya Xoriyada NFD Waa In Lagu Khabaa
    Iyo Waliba Magdhowgii Xasuuqii Iyo Barakicintii Shacabka Soomaalida Ay Geeysteen.
    Dhinacakalena Dadka Soomaalida Ah Ee Kenya’ U Adeega Loo Aqoonsado Dad Lumiyay Dhalashadii Soomaalinimada,
    Laguna Qaado Sharciga Diinta Islaamku Qabto Jaajuusyada Iyo Waliba Dadka Qaybqaata Shirqoolada Iyo Foowdeeynta
    Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

  2. c/qani says:

    Sixid
    Ay Diinta Islaamku Kaqabto*.

    Soomaalida Ay U Geeysteen*.
    Iyo Waliba Dadka Ka Qaybqaata*.




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/