Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo si Cajiib ah markii ugu horeysay kaga hadlay Maqaanka Muqsisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso Shirarka Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay maqaamka Gobolka Banaadir arrintiisa looga hadlo Magaalada Garoowe,isla markaana ay Xukumadiisa ay fidin doonto Gogosha Shirka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu cosaday in wada-hadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu qabtay Garoowe.

Isaga oo sii hadlaayay Deni ayuu tilmaamay in Arrinta Somaliland ay tahay caqabad hortaagan Dastuurka Soomaaliya.

Kulanka uu Madaxweyne Deni ka sheegay halkaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madax ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Maka Daacadbaa Mise Khiyaano Ayuukawadaa?.
    Dabacan Soomaaliyi Ineey Heshiiso
    Dalalka Dhexdiisana Shirarka Laguqabto
    Wayfiicantahay.

    Laakiinse Hadalka “Dani Farbaa Kugoden
    Markahore Su’aashu Waxaytahay

    1- Moowduucyo Farabadan Ayuukahadlay?
    2- Gobolo Farabadan Oo Soomaaliyeed Ayy Kahadlay, Dhamaan Goboladaas Marxaladahoodu Waykala Duwanyihiin”
    Taas Waxaasiidheer Inuukahadalay (Caasimada Muqdisho).

    Hadaba Moowduucyadaan Kala Duwan Waxxa Kalifay Kahadalkood Doowr Arrimood.

    1- Hoosaasin Ama Kamasquulin
    Boobka Kenya” Ay Kawado (NFD Iyo Gobolada Jubooyinka).

    2- Khalkhal Galin Wada Hadalada Usoda Dowlada “Fedaraalka Ah Iyo Gobolada Waqooyi Galbeed”.

    3- Carqaladeeyn Iyo Curyaamin “Dhismaha (Dekeda Magaalada Hobyo’ Iyo Shirweynaha Dib Uheshiisiinta, Galmudug Uga Socda Magaalada Dhuusamareeb.

    4- Kahadalka Meeqaamka Muqdisho??
    U Hanqaltaaga Siyaasiyiinta Reer Puntland Ee Muqdisho Mudo Dheer Ayuu Soo Noqnoqonaayay!! Illaa Ay Aakhirkii
    *Ciidamadii Itoobiya* Kusoo Hogaamiyaan Waxaykaleeto Oo Ay Saaxiibtinimo Been-Been Ah U Muujinjireen Qoyska ‘Abgaal’ Laakiinse Saaxiibtinimadaas Khiyaano Ayaa Uqarsooneeyd Siyaasiyiinta Reer Garoowe?? Khaasatan Iney Hawiyaha Kaleeto Kahorkeenaan, Khaasatan Habargidir.

    Laakiinse Aakhirkii (Xasan
    Shiik Maxamuud) Ayaa Khiyaanadooda Fahmay!! Kadibna Muqdisho Kacayriyay??
    Siyaasiyiintii Reer Garoowe,
    Wuuna Kumahadsanyahay Xasan Shiikh Maxamuud’ Soo Afjaray Lugooyadii Ay Reer Puntland Muqdisho Kuhayeen.
    Balse Wali Waxay Iskudayaayaan Iney Sameeyaan Sirkasta Oo Ay Reer Muqdisho Iyo Guud Ahaanba Shacabka Soomaaliweyn U Shiqoolilahaayeen Isguna Dirilahaayeen?? Laakiinse Shacabka Reer Puntland Waa Shacab Sharafleh,
    Waa Madaxda Kaliya Cida Dhaqankii (Xabashiyeed Soominguuriy.

    5- Waxaa Intaas U Siidheer Hadalka Dani’ Inuu Reer Khaatumo Iyo Beelaha Kale Ee Puntland Waxkadega Ee Aan Ahayn (Maxamuud Saleebaan)
    Ayuu Wuxuu Isaga Dhigaayaa Nin Khatar Ah (Xamar Iyo Hargaysa Iyo Jubooyinka Iyo Galmuy) Usagu Wax Uyeerinaaya!!
    Sidaasi Darteed Reer Khaatu-moow Iyo Lafaha Yaryar Ee Reer Bari-yoow! Micnaha (Cali Saleebaan Iyo Ibraahiimo Iyo Wixii Lahalmaala, Xageedjoogtaan?? Adinku??

    Dani-yoow Gobolka Aad Maamusho U Adeeg Intaas Waxii Kabadaninna Waa Waawaqtilumis.

  2. mahad says:

    Masha Allah si wanaagsan ayaad u dhigtay C/qani, waa caqligii iyo maskaxdii Faroole iyo Aaran jaan hadalada ka soo yeeray cunnugaan waa iska weel maran oo qolodaas ay wax iskaga shubtaan feel sorry for puntland walaahi inay dib ugu laabatay Faroole iyo aaran jaan Garoowe 1 iyo Garoowe 2 caqligii ahaa ayaa saacadu ugu xirantay, waa sheekadii gabar yar oo hadba oday sarkhaansan mehersanayo hada mid wareersan ayaaba mehersaday oo ka bilaabay meeshii ina Gaas ku dhacay.




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/