Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kornayl Caare oo Jawaab Siiyey Taliyaha Ciidanka Somaliland “Diyaar Garow dagaal ayaanu galnay”

Hogaamiyaha Jabhada Dulmidiid   Kornayl Caarre ayaa  si adag uga Jawaabay hadalkii kasoo yeedhay   Taliyaha Ciidamada  Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo sheegay inay Wacayd in la toogto  Kornayl Caarre  isagoo ku tilmaamay inuu yahay Dambiile Qaran, Islamarkaana loo  loo heysto dilka 10 Qof oo isagu ka danbeeyay.

Caarre ayaa  Taliyaha Ciidamada Somaliland ku eedeeyay inuu gaystay isagu dhibaatooyin badan “Hadii Gacan ku dhiigle la sheegayo  waa nuux Ismaaciil Taani, Waa ninkii Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Rasaasta isugu dhiibay, waa ninka Ciidamadii Somaliland Burburiyey ee Qabaailka ka dhigay”  Ayuu yidhi Kornayl Caare.

Kornayl Caare  Waxaa wax laga waydiiyey Eedaynta  Nuux Taani ee ahayd  inuu Caarre 4-Qof dilay, Wuxuuna is waydiiyey Sida isagoo dambiile ahaa Mar kale loo magacaabay ? Wuxuuna sheegay in wax dambi ah lagu waayey oo Maxkamad ay arintaasi go’aan ka gaadhay.

Dhinaca kale Kornayl Caare ayaa sheegay in Wadahadalkii u socday Xukuumadda Somaliland uu Burburayo, Islamarkaana ay hada galeen diyaar garoow Dagaal, kadib hadalka kasoo yeedhay Nuux Taani.

Hadalka ayaa yimid kadib  Markii  Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland uu sheegay inay Haboontahay in La Qisaaso Kornayl Caarre. “Caare Wuxuu ahaa Kornayl ka tirsan Ciidamada, oo Dhibaato badan Sanaag ka gaystay ayuu ahaa, Iyadoo loo haysto 4-Qof dilkood Rag baa yidhi  hala sii daayo, Markii lasii daayey wuxuu dhacay    Mushahaarkii Ciidamada, Dadka uu dilay kama yara 10-Qof,  Goorma ayuu geesi Noqday  nin Dad islaam ah Xasuuqay, Waxay ahayd in la Qisaaso, Waxaan leeyahay waa Dambiile Caarre “Ayuu yidhi  Taliyaha Ciidamada Somaliland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/