Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Garoonka Kismaayo iyo Xarumaha Maamulka oo dib u shaqo Bilaabay

Magaaladda Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa dib u shaqa bilaabay xarumihii dowladda sida garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo xarumaha kale ee Maamulka kadib markii ay xidhnaayeen saddex maalmood ee la soo dhaafay.

Maamulka jubbaland ayaa xiray xuduudaha Kismaayo xiligii lagu jiray doorashadii madaxtooyadda Jubbaland oo 22kii bishan dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaan muddo 4 sanno ah.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa dib u shaqa bilaabay, kaasi oo diyaaradihii u horreeyay oo ka yimid caasimadda muqdisho iyo wadamada deriska ah ay soo fadhiisteen, waxaana magaalada laga dareemaya jawi daganaansho ka dib markii ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo lagu taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Jawiga iyo Cimilada Magaalada ayaa u muuqda kuwa aad uga qabow sidii hore waxaana magaalada ka da,ay Roobab aan saameyn badan ku yeelan isku socodka gaadiidka iyo dadweynahaba.

Sidoo kale waxaa Qaybo magaalada kamid ah ku sugan Laba Madaxwayne oo kale Kuwaasi oo Maamulka Jubbaland uu yeeshay.

Dawladda  dhexe ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Doorashooyinkii ka dhacay kismaayo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/