Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kismaayo maxaa ka socda?

Waxgaradka Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa bilaabay dadaallo ay ku doonayaan xalinta Khilaafka ka dhashay doorashadda Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee ka taagan Kismaayo.

Ururada Haweenka iyo Ganacsatadda Magaalada ayaa dhankooda bilaabay in ay la kulmaan Madaxweynaha Jubbaland iyo sidoo kale xidig iyo Seerar oo Magaalada Ku sugan.
Odayaasha dhaqanka ayaa Saaka u tagay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana ay ka codsadeen in Xaalad Ciidan aan looga jawaabin Xiisadda ka dhalatay doorashadii Madaxweynaha Jubbaland sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Mucaaradka Jubbaland ayaa dhankooda u kala qeybsamay labo, waxaana ay sheegeen qaarkood in ay doorteen Xidig halka kuwo kalena ay sheegeen in ay doorteen Cabdinaasir Seerar Maax.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in ay go’an tahay in la xaliyo Khilaafka ka dhashay Madaxweynaha, islamarkaana uu diyaar u yahay qancinta Seerar iyo Xidig.

Ganacsiyadda Magaalada qaarkood ayaa wali xiran sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka waxaana Magaalada ka taagan xaalad cabsi ah.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/