Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia

Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.

James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo baxo xeerkasi.

Mr Swan oo sii hadlaya ayaa waxa uu sheegay in gudoonka labadda Aqal ee dalka ay u sheegeen in ay ka go’an tahay dalka ay doorasho ka dhacdo 2020-21.

Isaga oo ka hadlayey fadhi uu dhowaan yeeshey Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayuu xusay in ay jiraan caqabado hortaagan doorashada.

Mid kamid caqabadaha ugu muhiimsan ayuu ku tilmaamay ammaanka, oo uu xusay in uu haatan walaac badan uu ka jiro.

Balse waxa uu bogaadiyey horumarka ay xukuumadda ka sameysay dhankaasi iyo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii, James Swan ayaa wuxuu ka dalbaday Caalamka in ay ka taageeran dowladda Soomaaliya dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/