Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Axmed Macalin Fiqi oo Sikulul uga Hadlay Dib Udoorashada Axmed Madoobe

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, isla markaana ah xildhibaan mucaarid ah ayaa ka hadlay doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka taqaana baarlamaanka Jubbalanad hogaamiyaha ku haboon, hogaaminta maamulka Jubbaland, isagoona fariin bogaadin ah u direy Axmed Madoobe.

Hoos ka aqriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi:

“Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas.

Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland.

Waa mas’uuliyad adag oo waqti adag loo igmaday madaxweynaha cusub ee Jubaland, hawlo badan oo hortabin leh ay horyaalaan sida midnimada dadka reer Jubaland, iyo tan Soomaaliyeed, nabadgalyada iyo adeegyada bulshada”.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/