Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynayaashi hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si kala gaar gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta doorashadii labaad oo Baarlamaani ah Madaxweyne loogu doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe, isagoo u rajjeeyay inuu Alle kula garab galo.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe, Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo una dhammeystiro baahidooda ay ugu horreyso Amniga”ayuu yiri Xasan Sheekh qoraal kooban uu bartiisa Facebook ku soo qoray.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa isna hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Waxaan ka rajeynayaa in muddada afarta sana ee la doortey inuu wax badan ka qabto horumarka deegaanka, uuna mudnaanta koowaad siiyo Amniga iyo dib udhiska Jubaland”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay reer Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarka iyo dhismaha maamulkooda, qeybna ka noqdaan geeddiga dib loogu dhisayo guud ahaan Soomaaliya.

Xisbiyada siyaasadeed ee ay hormuudka u yihiin Xisbiyada ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ayaa horay u taageeray hannaanka doorasho ee ay garwadeenka ka ahaayeen Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, iyagoo horay ugu baaqay in dowladda Federaalka ay ka joojiso faragelinta ay ku heyso arrimaha Jubbaland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shil Geystay Khasaare Xoogan Oo Ka Dhacay Carbiska
- Sep 18, 2019
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii ...
Sabriye Oo Ka Warbixiyey Dadaallada Ka Socda Galmudug
- Sep 18, 2019
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey ...
DAAWO:-Xildhibaan Faarax c/qaadir Doorashooyinka, Amniga, Somaliland, iyo Arimaha la xiriira deyn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.
- Sep 18, 2019
https://www.facebook.com/FarahAbdulkadirOfficial/videos/800930830323339/