Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faallo:- Muxuu ka dhigan yahay Kulanka madaxda DF Soomaliya iyo Somaliland

Barigii SNM-tu Burco ku soo noqotay 1991 ayaa waxaa la mamnuucay in diinta, nabiga iyo ilaahay la aflagaadeeyo, waxaana la soo saaray sharci qofkii lagu qabto isagoo waxaa samaynaya in la xidhayo.

Maalintii danbe ayaa mid la soo qabtay isagoo suuqa jooga oo af-lagaadadii la diiday ku kacay, markii jeelka dhexe la keenay oo Oobigii laga qorayo ayaa waxaa soo baxay sarkaalkii Jeelka haystay markaasuu yidhi muxuu sameeyey markaasaa la yidhi diintuu aflagaadeeyey.

Intuu ku soo jeestay ayuu ku yidhi aarmadaa diinta caayey, ilaahaaga waxaa ku sameeye.

Waa lagu kala cararay, afkaa la kala qaaday waxay noqotay in taliyihii isna la xidho iyo in ninkii la sii daayo, waxaa xaal ku soo ururay in ninkiina la sii daayo taliyihiina hawshiisa wato.

Hadda Muuse Biixi, Maxamad Kaahin iyo Warancade waxay taagan yihiin kaalintii taliyihii saldhiga, kol haday sameeyeen waxay shacabka ka hortaagnaayeen ama waa in Muuse liinta Mandheera ku cabaa ama waa in arrintan kor loolaalaa, maxay ku kula duwan yihiin Makka oo Muuse Biixi ku qaabilay Bayle iyo Bidhaan oo reer waqooyi ah isla markaana ka tirsan Federaalka iyo in uu Madaxtooyada Hargeysa kula kulmo, ilayn qofka kulan samaynayaa waa Muusee.

Arrintan la jiifiyaana banaan ayey ku noqotay Muuse, waana gool Muuse iska dhaliyey sababtoo ah Abdilmalik Musa Coldoon oo Muqdisho Farmaajo kula kulmay isagoon cabidmaalik xil hayn waa lagu xidhay, waxaa ugu danbeeyey wiilkii xabsiga lagu dhigay calanka Soomaaliya , maantana Muuse Biixi wuxuu la sawiran yahay Beyle oo reer waqooyi ah oo calankii Soomaaliya luqunta u sudhan yahay, kulankan ninkii Muuse kula taliyey kuna qarciyey in sawirkan layska qaado god ayuu Muuse ku riday marka lagu eego aragtida xagjirnimada ee Muuse taagnaa iyo taageerayaasha gooni isu taaga.

Waliba xisbiga Wadani waxay u tahay fursad aanay hore u helin, maadaama uu Kulmiye in badan ku eedeeyey in Wadani u nugul yahay Soomaaliweyn oo waxa kaliya ee ay ku haysteen ahayd siyaasadda Wadani ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya, iyo kulamo ay ku eedeeyeen in ay madaxda federaalka la qaateen oo aan cadeyn loo hayn, laakiin halkan waxaa saaka muuqada odaygii Kulmiye iyo madaxweynihii Somaliland oo la kulmay wasiiradii ugu cuslaa reer waqooyiga iyo Federaalka Soomaaliya.

Haddaba marka lagu aragtida bisil waa kulan mudan in la soo dhaweeyo, wuxuuna ka dhacay goob barakaysan, waxaana muhiim ah in la garowsado in wadahadalku ka fiican yahay kala fogaanshaha, waliba in laysla meel dhigo in la galo wadahadal aan shuruud lahayn, laguna wadahadalo Soomaaliya gudaheeda, madaxda labada dhinacna ku kulmaan Hargeysa iyo Muqdisho iyada oo dhinac waliba doodiisa wato, isla markaana soo bandhigayo badheehihiisa, waxaana qabaa in Muuse Biixi madaxda Federaalka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo in Hargeysa lagu casuumo, ama wasiirada Federalka, dhinaca kale iyagu markasta waa diyaar.

Waxa kale oo muhiim ah in laysla garowsado 29 sano ka dib in la yaqiinsado in aanu gooni isu taagu suura gal ahayn ee siyaasado kale iyo shuruuda kale loo diga rogto.

Waxaa Qoray  : Asad Cadaani Ibraahim

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...