Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Musharixiin durbadii diiday xildhibaanada cusub Jubbaland shaacana ka qaaday sir cusub

Xalay ayaa Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland waxaa ay ku dhawaaqeen Liiska Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73 Xubnood, iyada oo laba Xubnooday harsan yihiin,waxaana Xku dhawaaqista Xildhibaannada Cusub ka horyimid qaar ka mid ah Musharixiinta Jubbaland.

Maxamed Ibraahim Shakuu oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad ,isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay, isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da in soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland ay Shaqadooda aheyd Odayaasha Dhaqanka Beelaha,hayeeshee qaabka hadda loo soo xulay uu yahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in qaar badan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland laga saaray liiska Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland,isaga oo dhaliil u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...