Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Jubbaland oo diyaargaroow ugu jirta doorasho ay diidan tahay DFS!!!

Jubbaland ayaa isku diyaarinaysa qabsoomidda doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi kaddib markii dhowr saac ka hor la soo bandhigay magacyada xildhibaannada cusub.

Xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo liiskooda ay heshay warbaahinta Saadaal Media ayaa gaaraya 73 xildhibaan oo rag iyo dumar isugu jira.

Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa shaaciyay magacyada xildhibaannada labaad ee Jubbaland.

Diyaargaroowga doorashada madaxtinimada Jubbaland ayaa ku soo aadaya iyada oo dhowaan wasaaradda arrimaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ay digniin ka soo saartay doorashadaasi.

War ka soo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah ay heshay Saadaal lagu sheegay in wasaaraddu aynaan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi.

Xukuumadda federaalka ah, gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha gudaha ayaa shuruud uga dhigtay doorashadaasi in la raaco hab raac ay iyadu soo saartay.

Jubbaland ayaa taasi ka dhaga fureysatay, islamarkaana u muuqata in aynaan doonayn raacitaanka habraacyada ay wasaaraddu ka soo saartay doorashooyinkaasi.

Lama oga sida ay xaaladdu ku biyo shuban karayso, waxaase Jubbaland ay aad ugu jirtaa suxul duub ah in doorashada ay qabsoonto waqtiga ay u asteysay oo ah 24-ka bishaan August.

Kismaayo, waxaa ku sugan musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilkaan madaxtinimo kuwaasoo intooda badan saluugsan qaabka ay guddiga doorashada u maareynayaan howsha doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ciidda ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in la iscafiyo islamarkaana qof kaliya ay guusha raacayso.

wakiilka Soomaaliya ee Urur goboleedka IGAD Maxamed Cali Guyo ayaa dhowaan sheegay in Kismaayo uu tegay afar cisho oo uu soo indha indheynayay xaaladda magaalada iyo qaabka ay ku socoto diyaargaroowga doorashada.

Saadaal News

Editorial Desk

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...