Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kenya & Jabuuti Oo Ku Loolamaya Kursi Ka Bannaan Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay

Labada dowladood ee Kenya iyo Jabuuti ayaa ku loolamaya ka mid noqoshada Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, balse waxa ay ku loolamayaan hal kursi oo banaan.

Kenya ayaa ka codsatay dowladda Jabuuti inay u tanaasusho oo ay u dayso kursigaasi, balse Jabuuti kama aysan soo jawaabin baaqa ka soo yeeray dowladda Kenya ee ah inay u tanaasusho Kursigaasi.

Kursigan oo u yaalla Waddamada bariga Afrika, ayaa waxaa ku loollamaya Kenya iyo Jabuuti,waxaana sharciyan ay tahay ugu dambeyn labada dal in ay isu deystaan oo isu tanaasulaan.

Codeyn ururka uu qaaday 5-tii Bishan ayaa waxaa codadka ugu badan heshay dowladda Kenya laakiin ma,aha natiijo kama dambeys ah waxaana kursiga cidda ku mataleysa Afrika uu go’aaminayaa Midowga Afrika 21ka Bishan.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in kursigan ay ku difaacato dano waaweyn oo ay ka mid tahay rabitaankeeda gardarrada ah ee ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in haddii kursigaasi ku guuleysato uu wax badan ka beddeli karo go’aanka Maxkamadda ICJ ka gaareyso doodda ay Kenya gelisay biyaha Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...