Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Axmed Madoobe oo laga mamnuucay Gobolka Gedo Maxay Tahay Sababtu?

Wararka laga helayo magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta maamulka,Saraakiisha Ciidamada iyo dadweynaha magaaladaasi ay isku raaceen inaan ololaha doorashada Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland laga soo dhoweyn Garbahaareey iyo deegaanada ku xeeran.

Arrintaan ayay u sababeeyeen ka dib markii maamulka Axmed Madoobe uu iska dhega-tiray tiro qeylo dhaan ah oo ay shacabka Gobolka Gedo gaar ahaan Waxgaradka Garbahaareey ay u jeediyeen madaxweynaha Jubbaland,islamarkaana uu waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo ee xilalka sare ka haya maamulka Jubbaland ayaa laga fiirsanayaan iney imaan karaan magaalada Garbahaareey iyo in kale.

Shacabka Gobolka Gedo ayaa horay u diidanaa nidaamka maamul ee Axmed Madoobe uu ku wajahayo Shacabka Gobolka Gedo,iyagoo dhowr jeer ku bannaanbaxay Mas’uuliyiin Jubbaland ka socda oo gaaray deegaanada Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa hadda culeyska ugu badan kala kulmaya Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gedo,kuwaasi oo si aad ah ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...