Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Trump oo Israel ka dalbaday in aysan Ilhaan Cumar qaabilin

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maamulka Israel ka dalbaday in aysan Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib qaabilin marka ay safarka ku tagayaan Israel iyo Falastiin.

Sida uu qoray Wargeyska Axios  ee ka soo baxa Washington, Trump ayaa kula taliyay Netanyahu in labada Xildhibaan ee ku jira Baarlamaanka Mareykanka laga mamnuuco Israel.

Waxaa uu sheegay in labada ay yihiin cadowga Israel markastana ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel.

Ilhaan iyo Rashiida ayaa bishan tahaya Israel iyo Falastiin,waxaana horay u soo dhaweysay Israel oo safiirkeeda Mareykanka sheegay in la qaabilayo.

Dagaalka Ilhaan iyo Rashiidda oo isku dhinaca ah iyo Trump ayaa soo baxay kaddib ololihii doorashada Mareykanka ee 2016kii xilligaas oo uu Trump ku baaqay in Muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.

Labada Gabdhood ayaa iyaguna halgan u galay sidii Trump awood ka hor istaagta ay dadka Muslimiinta ah ugu yeelan lahaayeen Baarlamaanka Mareykanka taas oo hirgashay markii ugu horreysay.

Trump iyo Netanyahu ayaa labadaba wajahaya dacwado la xiriira musuq maasuq iyo ku takrifal awoodeed oo ay sameeyeen in ay xafiiska joogaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...