Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Imaraadka Carabta oo Dhabarka u jeediyey Danihii Maraykanka iyo Xulufadii Sucuudiga

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isaga baxday qeyb ahaan taageeradii waallida ahayd ee ay u heyn jirtay dowladda Mareykanka, waxayna si toos ah uga hortimid bilihii ugu dambeeyay danaha Mareykanka ee Bariga dhexe.

Tusaalaha ugu weyn waxaa ka mid ah doodda marinka Hurmuz ee Mareykanka iyo Iraan oo ay Imaaaraadku la safantahay Iraan.

Waxaa kale oo ka mid ah Wafdiga Imaaraadka ee tagay Tehraan, Ciidanka Imaaraadka ee laga saaray Yemen, iyo dagaalka Cadan ee ay magaalada ku qabsadeen malleeshiyaadka taabacsan Imaaraadka laguna afgambiyay dowladdii Sucuudiga taageerayay.

Mareykanka ayaa  Maraakiib shidaal oo ay leeyihiin Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu qarxiyay biyaha Cumaan, si deg deg ah Mareykanka iyo Sucuudiga waxaa ay eedda dusha ka saareen dowladda Iraan laakiin dowladda Imaaraadka waa ay ka aamustay ka hadalka arrintaas.

Mareykanka ayaa Markab Gaadiid dagaal iyo Ciidan wada u diray Bariga dhexe, dowladda Sucuudiga ayaa soo dhaweysay hayeeshee dowladda Imaaraadka ayaa ka aamustay.

Markii ay cirka isku shareertay xiisadda Mareykanka iyo Iraan ee ay dowladda Iraan soo ridday Diyaarad Mareykanka leeyahay dowladd Imaaraadka waxaa ay wafdi ka mid ah ilaalada xeebaha dalkeeda u dirtay caasimadda Iraan ee Tehraan.

Dowladaha Imaaraadka iyo Iraan ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan amaanka marin biyoodka Hurmuz, go’aankaas kama farxin Sucuudiga iyo Mareykanka.

Imaaraadka ayaa si tartiib tartiin ah uga baxeysay siyaasadda xulufeysiga ah ee Mareykanka, Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa dhintay  Ciidamadii ka joogay dalka Yemen oo ay kaga mid ahayd isbaheysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo.

Waxaa sidoo kale soo baxday khilaaf u dhaxeeya Imaaraadka iyo Sucuudiga kaddib markii Ciidamo kala taabacsan Imaaraadka iyo Sucuudiga oo Reer Yemen ah ku dagaallameen magaalada Cadan.

Ku dhawaad 50 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkii Shalay ka dhacay Cadan ee ay kooxda gooni u goosadka ah ee uu Imaaraadku taageero ku qabsadeen Dekadda Cadan, Madaxtooyada dowladda Caalamka aqoonsanyahay iyo xarumihii kale ee dowladda.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku baaqday in Ciidamada uu taageero Imaaraadka dhaqsi uga baxaan xarumaha dowladda, hayeeshee taasi uma eka mid dhaceysa.

Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegayaa in danaheeda dhaqaale, siyaasadeed iyo amaan ay ka dhex aragtay in ay ka baxdo Garabka Marekykanka.

Waxaa Imaaraadka arrintan ku riixay meesha ay kaga taallo adduunka oo dhaqaale ahaan aad muhiim u ah, Imaaraadka waa dal ku tiirsan dalxiiska ajaanibta, waxaa uu dhacaa Bariga dhexe, marin biyoodka muhiimka ah ee Hurmuz iyo kan Baabal Mandab oo ay saameyn xoog leh ku leedahay.

Imaaraadka ayaa horseed ka ahaa dano badan oo uu Mareykanka ka leeyahay Caalamka sida dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.

Waxayaabaha ay ka taageeri jirtay waxaa ka mid ahaa taageerada waddamada uu daneeyo Mareykanka sida Soomaaliya oo ay dowladda Soomaaliya u tababari jirtay Ciidamada.

Waxaa ay sidoo kale Soomaaliya ka fulin jirtay adeegyo caafimaad iyo arrimo bulsho oo kale hayeeshee waxaa ay ka baxday markii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isku dhaceen.

Waxaana ay ka soo horjeeddaa dagaalka Sucuudiga iyo Mareykanka u durbaan tumayaan ee ka dhanka ah Iraan, kaas oo saameyn taban ku yeelan kara Imaaraadka.

Saameynta waxaa ka mid ah in dowladda Iraan duqeyn karto Imaaraadka iyada oo ka cadgoosaneysa Mareykanka, in haddii ay gasho dagaalka ka dhanka ah Iraan uu amaanka dalkeeda halis galo islamarkaana weyso ajaanibta booqata iyo waliba dano kale oo muhiim u ah.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...