Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wadaniyad la,aanta iyo lexo jeclo la’aanta Soomaalida !

Marka uu dalku leeyahay waddooyin fiican waxay kor u qaadaan Bilicda magaalooyinka ,sidoo kale waxay fududeeyaan isu socodka dadka,waxayna kaabaan ganacsiga iyo dakhliga dalka.

haddii la helo dhaqaalihii naloogu dhisi lahaa waddooyin tayo sare leh ama nalooku dayactiri lahaa kuwii hore waxaa muhiim ah in la helo dad lahaanshiyo dareemaya , dad nadiif ah oo ka madax bannaan musuq maasuq kuwaas oo dhaqaalaha loo helo u maareeyaa sidii loogu talo galay.

Xiligii dawladdii dhexe ee soomaaliya waxaa lasoo weriyaa in Shirkadihii Shiineyska ahaa ee Soomaaliya u yimi inay dhisaan wadooyinka laamiga ah ee isku xira gobolada dalka ayaa marar badan laga xaday qalab badan oo ah qalabkii ay ku dhisayeen wadooyinka dalkeena !

mid ka mid ahaa madaxdii Injineerada ayaa aad ula yaabay soomaalidii wadanka loo dhisayey oo iyagii curyaaminaya dalkodii wixii waxtarka u lahaa wuxuuna yiri “dalkaan dadkii lahaa aaway ? 
waa hubaal kuwan maahee meeye dadkii dalkaan lahaa?”

sababtoo ah wuxuu qaadan waayay inay qalab ka xadaan dadkii uu wax u dhisayey iyo dadka qalabkan xaday danta ay ka lahayeen .

Sheekadan waxaan kusoo xasuustay arin lamid ah oo aan Garoowe ku arkay

Labada sawir ee aad aragtaan waa labo waddo oo garoowe ku yaala .

sawirka Midig wadada ka muuqata waxaa horay u dhisay Shirkad maxali ah oo ay leeyihiin muwaadiniin soomaaliyeed .

Sawirka bidix wadada ka muuqata hada ayay socotaa waxaana dhisaya oo gacanta ku haya Shirkad Turkish ah oo la yiraahdo TTN.
Labadaa wado markaad is barbar dhigto waxaa kuu soo baxaysa in dadkii Dalkan iska lahaa ay Hakranayaan .

Hadiiba aynuba u cudurdaarno shirkadahaa maxaliga ee sidaas tayada xun wax u dhisay inay khibrad la,aan haysato iyo qalab la,aan , waxaynu ognahay shirkadahaas maxaligu inay qanadraasyo badan ka helaan lacago badan waxay awoodeen inay fiican soo iibsadaan inay keensadaan dad xirfad sare leh kuwaasoo u tababara dadka soomaaliyeeed ee u shaqeeya intaas midna may samayn , sidaas darteed cudurdaar ma yeelanayaan .

Anigu maahi qof barakaynaya shirkado shisheeye ,waxaan ka jeclahay shirkado wadani ah lkn waa inay noqdaan kuwo lexe jeclo kaga jirto wadankan lehna tayadii looga baahnaa .

Falcelinta Dadweynaha

Waxaan arkay dad badan oo baraha bulshada kaga faalooday arintan waxayna amaan kala dul dhaceen Shirkada turkishka ah ee TTN inay shaqo fiican qabatay , Haa sax shaqo fiican way qabteen ,shaqadooda ayaa ah wixii lasoo qorsheeyey ee loo dirsaday inay sideedii uga soo baxaan waa sabatay wadankeena u yimaadeen , waxaad moodaa dadku inay ka il duufeen hadii cid la amaanayo cidii lahayd Libinta saxda ah waana Dawladda hoose ee Garoowe , Gaar ahaan Duqa magaalada Garoowe axmed Muuse , Sababtoo ah isaga ayaa qaatay Goaankii saxda ahaa , wuxuu sameeyey tartan furan u sameeyey shirkadihii dhismaha wuxuuna ka xushay shirkadihii ku haboonayd ee yeelatay tayada wadooyinka loo baahan yahay in la Dhiso .

Waxaan dareensanahay inuu doonayo in laga dhaxlo beri wax wanaagsan waa sababta uu doortay TTN .
Waan ku Bogaadinayaa Duqa Caasimadda Garoowe: Axmed siciid Muuseshaqadaa nadiidka ah ee uu qabtay ee ka dheer qof jeclaysi , taasoo ah wax wanaagsan oo wadanka u haraya .

Waxaa Qoray – Abdirizak Jubba

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...