Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Baroordiiq |Xaaskayga

Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan caawiyo lkn sidaad ii soo Guursatay shaqadii waan iska daayey adiga dartaa ee Goormaad ii ogolaan inay shaqadii caafimaadka dib ugu laabto “?

 Aniguna waxaan ugu jawaabi jirey shaqadii Bulshada mid ka balaaran ayaad haysaa adigaan dareensanayne , sababtoo ah waxaad gacanta ku haysaa caafimaadkooda iyo noloshooda aniga iyo labadeena caruurta ah masuuliyad kaweyni majirto hawshaad gacanta ku hayso .

Runtii Xaaskaygu aad bay ii jeclayd aniguna sidoo kale jacaylkii aan jeclaa ma qiyaasi karo ,Xaas keliya iima ahayne waxay ii ahayd wax walba , aad ayay iila talin jirtey dhinaca shaqada nolosha .

Waxyaabaha caajiibka ah ee aan ka xasuusto waxay ahaayeen arimo layaab leh oo tiro badan Waxay ahayd qof nolosheeda oo dhan jadwal u yeeshay aniga ii yeeshay waxaa  saacado go”an u lahaa xiliga ay caruurta casharada u akhriso ,xili ay caruurta si gaar ah ula sheekaysato marna uga sheekayso sheekooyin ay caruurta ugu talagashay inay maskaxiyan ugu dhisto , xiliyo ay ugu talagashay inay aniga gaar waqti iigula qaadato ,mararka qaarkood waxay i oran jirtey Maxaa kuu qorshaysan inaad gaarto waqtigaa hadii la gaaro , maxaad u qorshaysay caruurteena markay intaa gaaraan ? waxay iweydiin jirtey suaalo aanay weligay maskaxdooda soo gelin ,markaas ayaan iyada kala tashan . waxaan ku oran jirey allah ayaan u mahdinayaa inuu isiiyey marwo allah dhamaystiray dhinac kasta !

Waxaan ka shaqayn jirey cisbitaal asbuucii laba mar ayaan shaqo subaxii goor hore lahaan jirey ,maalmahaas weligeed may iloobi jirin quraacda marar fiidkii ayay sii diyaarin jirtey oo kululayso ayay iisii gelin jirtey , mararka  qaarkood waxaan soo kici jirey habeenka barkiisa anigoo suuli u socda mise way soo jeedaa oo waxay ii diyaarinaysaa quraacdii berito waxan oran jirey maxaad isku dhibaysaa quraacda magaalada ka cuni lahaaye .

 waxay iigu jawaabi jirtey waa wax aad xaq iigu leedahahay hadaan kasoo waayo aakhiro xaqaaga aakhiro adiga miyaa iga difaaci doona waa maya , waxay doonayaa intaan noolahay inaan ku raaligeliyo si aan abaalmarin ugu helo janada ! intaan yaabo ayaan ku oran jirey maxaad sidan oo dhan ugu fiican tahay , waxay iigu jawaabi jirtey anigu iskama fiicnaan , markaan adiga kaa helay naxariis ,jacayl ,qadarin ayaan aniguna sidan noqday .

Waxaan maskaxdayda ka bxin hadalo ay I oran jirtey oo ahaa “ waxaad tahay dhakhtar wanaagsan meel kastana shaqo waad ka helaysaa aniguna garabkaaga ayaan taagnahay oo dhinacayga ayaan ka shaqaynayaa ee inaga kaxee magaaladan muqdisho  inta amaankeedu hagaagayo  oo aynu degno meelaha kale ee xasiloon ee soomaliya aad ayaan kuugu cabsadaa ,welwel badan ayaan dareemaa intaad shaqada ku maqan tahay “

 waxaan ugu jawaabi jirey magaalo cusub inaan degno wax hawl yar maahee allah aan iska tawakalno .

maalin malmaha kamid ah anigoo guriga jooga oo fasax ah ayaa dagaal ka dhacay xaafadii aan deganayn xabado wiifto ayaa xaaskayga ku dhacay iyagoo dayrka joogta oo dhar dhaqaysa ,xabadahaasna ayay u dhimatay alle ha u naxriistee !

waxay igu adkayn jirtey haday iga hor  dhimato inaan labadeena gabdhood la saaxiibo oo aan waxbarashadooda ku dedaalo , waxaad moodaa hadaladaasi inay dardaaran ahaayeen .

Dhaimashadii xaaskayga kadib  nolosha ayaa ciriiri igu noqotay magaaladii muqdisho waan joogi kari waayey ,waan kazoo tegay waxaan imi Magaalada Boosaaso shaqo fiican waan ka helay ALX .

Dardaarankii xaaskayga waan oofiyey caruurttaydii waxaan u geeyey xaaskayga hooyadeed oo si fiican u daryeesha aniguna wax kasta wan u sameeyaa caruurtayda ,maadaama aanan isku magaalo joogin labadii biloodba mar ayaan booqdaa.

Waxaa markasta qalbigayga kusoo laalaabanaya siday dunida iiga tiirisay dhinac kasta ,talooyinkeedii naxariisteedii , qadarinteedii , farxadii ay isiisay , waa markaan qiray xaaska wanaagsani inuu yahay janadii ooo aduunka qayb laguugu soo hormariyey ,waxaan garwaaqsaday in xaaska wanaagsani yahay wax aad dunida dheer tahay .

Marar badan ayaa Qoyskaygu iigula dedaaleen inaan Guursado lknse taas wan kari waayey waayo Qalbigayga ayaa I oranaya alle ha u naxriistee Xaaskaagii mid lamid ah mahelaysid ,wixii kasooo hara Qalbi jab ayaand ka qaadaysaa . alle hanagu kulmiyo Janada .

Waxaa Qoray | Cabdirisaaq xasan cabdi (Jubba)

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Sheekadu Madhabaa Mise Waa Khiyaali?
    Qayssska Soomaaliyeed Waa Dad Wanaagsan Waliba Dumarka.

    Laakiinse Geerida Iyo Noloshu (Muqdisho Iyo Boosaaso) Kumaxirna Ee Qadar Allaah.
    Laakiinse Waxaad Moodaa Inuu Qoraagu
    Sawirka Muqdisho Uu Foolxumeeynaayo.
    Kanadhigaayo Meel Aan Amaan Ahayn Oo Jacaylka! Udaran.

    Sideeydoontaba Hanoqotee Sheekooyinka
    Khiyaali Ah Iyo Dhacdooyinka Runaa Halkala Cadeeyo, Sababatoo ah Waxaalaga Yaabaa Iney “Jiilasha” Danbe Kalagaranwaayaan, Saxda Iyo Khaladka.

    Sida Hadeerbalookala Garanla’yahay,
    Qisooyin Dhabtooda Iyo Dhalanteedkooda Aanlakasaarikarin.

    Tusaale Hadaan U Qaadano
    # Araweelow
    #Qays Iyo Leeyla.
    #Alfa Waleeyl.
    # Cigaal Shiidaad.
    # Cilmi Boowdhari.
    Iyo Sheekooyinkale,Oo Farabadan Runtii Sheekooyinkaas Waa In Cilmi Baaris Lagusameeyo, Lana Xaqiiyo Jiritaankooda Dhab Ahaan Iyo Dhalanteed Ahaanba.

    Aqoonyahanada Qaarkood Waxay Aaminsanyihiin Qisooyinkaan Kuwo Kamid Ahi Ineeysanba Soomaaliya Kadhicikarin, Tusaale Sheekada.

    (Cilmi Boowdhari)
    Marka Hore Magacaan *Boowdhari* Magac Hindi Ayuu U Egyahay, Hadana Dhacdooyinka Qaarkood Soomaalida Kamasuurtagasho, Tusaale Waxaalayiri Maalin Maalmaha Kamid Ah (Cilmi) Oo Jacaylkii La’ildaran Ayaa Waxaa Lasoo Xulay Gabdhihii “BARBARA” Ugu Quruxda Badnaa Dhamaantoodna Waalasoo (QAAWIYAY??).

    SI Ay Cilmi Boodhari U Hilmaansiiyaan
    Jacaylkii Hodan?? Dhaqankaasi (Hinduuska) Ayaasameeya, Hadaba Waxa Laga Sheekeeynaayo Waa (Filim Hinduus) Ah.

    Dad Mulimiin Ahi Dumar Maqaawyiaan!!
    Jacaylna Kuma Daweeyaan.
    Maantana (Taalooyin Jacayl Ah Oo Lasoo Siyaarto!! Ayaaba Barbara Looga Dhisay (Cilmi Boowdhari) Jiilasha Danbana In Ay “Caabudaan” Ayaa Suurta Gal Ah.

    Hadaba Culimada Waaweyn Ee Soomaaliweyn Iyo Aqoonyahanadu Arrimahaas Daraasaad Haka Sameeyaan Shacabkana Quraafaad Yaanan Lagu Dhex Beerin.

  2. c/qani says:

    FG:
    Xiliga Ay Kubeegantahay Sheekada (Cilmi Boowdhari) Gobolada Waqooyi Ee Soomaaliya Waxaa “Gumeeysaneeysanaayay Ingiriis-ka”
    Waxaana Ciidamadiisa, Kamid Ahaa
    Hidi Farabadan Khaasatan, (Singa Singa-ha Iyo Waliba Hinduuska) Dabka Caabudaan.

    Waanatii Uu *Sayidku Lahaa (Yam Yam Iyo Qadaadweyn) Ayaaba Meel Layga Dhigo Lawaayay. Micnaha Singe-Singaha, Waxaakaleeto Oo Taariikhdu Sheegeeysaa Meesha Looyaqaano (Batalaale) Ama Beerta Jacaylka!! Ee Barbara Kutaale Siligaas Aan Looba Ogaleeyn Soomaalida Ama Ayba Ahayd (Khad Cagaaran) Ingiriis-ka Iyo Hindidu At KU Raaxeeysanjireen.

    Waxayna Ahayd Meelo Lagu Tunto” Ama Khamrada, Lagu Cabo.

    Laakiinse Taariikhdaas Maxaqiijikaro,
    Waanse Maqlay Cilmi Baaris Dheeri Ah Ayayna U Baahantahay.

    Waxayna U Muuqataa Khiyaanooyin Uu Ingiriis-ku Shacabka Soomaaliyeed Dagaalka Iyo Halganka Uga Mashquulinaayay??

    Kadibna Filimadaan Jacaylka Ah Sheekada Cilmi Boowdhari Iyo Qays Iyo Layla Usoo Alifay?

    Waxayna Lamid

    Noqonkartaa (Dhaantadadii JigJiga Iyo Ina Ileey” Ay Xabashidu) Kushquulisay Halgankii Iyo Gobonima Doonkii Sidaasi Looga Takhalusay??




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...