Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed


Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ka hadlay Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Magaalada Berbera ka shiraacday,kaasi oo dhawaan lagu xanibay Dekadda Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Xildhibaanadan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho  ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in Cunaqabateyn ay ku heyso Shacabka Soomaaliland,isla markaana si kulul u Cambaareeyay Heshiiska  ay sheegeen in dowladda la gashay dowladda Sacuudiga.

Sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo markii tala dalka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo uu culeys gaarka saarnaa Somaliland iyo Ganacsatada Gobolada Waqooyi.

Isaga oo sii hadlayay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanada Somaliland laga joojiyay  Hay’addihii gargaarka gaarsiin jiray.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadii Shirka Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay Warkii ka soo jeeray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ee ahaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay sidii loo sii daan lahaa Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday,kaasi oo ku xayirnaa Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

hoos ka dhageyso;

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Qaramadda Midoobay oo fariin adag u soo diray barlamanka somalia
- Aug 23, 2019
Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka ...
Ra’iisal wasaaraha itoobiya oo la kulmay xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee wadanka Biritayn
- Aug 23, 2019
Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa la kulmey xoghayaha horu marinta caalamiga ah ee ...
DHAGEYSO:-Wasiir Saleeban Cali Koore Oo War Cusub Ka Sheegay Xaalada Magaalada Laascaanood
- Aug 23, 2019
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaaliland Saleebaan Cali Koore ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ...