Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Daawo Muuqaal: Puntland Maxay ku Dhaliishay Safarkii R/Wasaare Khayre ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay socdaalkii uu ra’isul wasaaraha dowladda federaalku uu ku yimid Waqooyiga ee magaaladda Galkacayo.H

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad  oo shir jaraa’id ku qabtay Galkacayo ayaa ku eedeeyay Ra’isul wasaaraha inuu diiday hanaankii iyo maamuuskii ay ugu talageen.

“Hanaankii iyo meeqaamkii aanu ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci   maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay”

Haddii aanu aragnay wixii ilaahay maanta na tusay, waxaan maqli jiray cimrigaaga oo Raaga Geel Dhalaaya ayuu ku Tusaa, maanta wixii aanu aragnay waxay ahayd in dad badan oo Soomaaliyeed nala arkaan” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Wasiirku wuxuu raaligalin iyo cudur daar u diray isimadii iyo cuqaashii uu sheegay inay u diyaargarobeen soo dhaweynta ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’isul wasaare Khayre oo labadiii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaan Galkacayo ayaa waxaa maanta garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Siyaasiyiin, Waxgarad iyo dhalinyaro.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Xuduuda Iyo Colaada Gaalkacyo Kajirta, Gumeysigii *Talyaaniga Ayaa Abuuray, Dadka Reer Gaalkacyo-na Walaaltinimadooda Iyo Muslinimadooda Oo Ay Kaashadaan Ayay Ku Burburinkaraan, Colaadii Uu Gaalkii Talyaaniga Kagatagay.

    Waxaadhab Ah In Shacabka Soomaaliweyn Ay “Dowlad U Baahiqabaan. Balse Aysan Dooneeynaa, Dowlad (Militerey Iyo Ciyaaro Iyo Fanaaniin Iyo Tastuur Iyo Fedaraal) Isku Darsatay Ama Maciin Bidey.

    Sababtoo Ah Waxaas Oo Dhan Midkoodna Dhaqan Soomaaliyeed Iyo Mid “Islaam Toona Shaqo Kumalahan.

    Dadka Siyaasada Kafaaloodaana Waxay Sheegaan Iney Doladii Dhexo Ee Soomaaliya Kuduntey “Heesaha Iyo Ciyaaraha, Oo Sixad Dhaaf Ah Loogu Talaxtegey.

    Kadibna Wax Barashadii Iyo Wax Soosaarku Yaraaday!! Kadibna Ay Gaajadii Badatey Kadibna Sidaasi Ay “Colaadii Kubilaabatey.

    Hadaba Dhulka Haha Difaaco Shisheeyaha” Dhalinyaradii Hashaqeeyso, Dalkana Hubka Iyo Ciyaaraha Iyo Heesaha Iyo Musikada, Halaga Joojiyo.

    *KENYA Dalka Soomaaliya Olole Dhinac Walba Ah Ayay Kuhaysaa Khaasatan Gobolada Ay Gacanta Kuhayso, Dilalal Qorsheysan Iyo Xarig Iyo Qaraxyo Iyo Waliba Xuduudihii Badda Iyo Bariga, Oo Ay Dhalan Rogeeyso.

    Waxaakaleeto Oo Ay Dalka Soomaaliya Ku Dhex Abuurtey (Jabahado Hubeeysan Iyo Sirdoon Farobadan).

    Iyo Waliba Boob Hantiyeed Iyo Been Abuur Xad Dhaaf Ah.
    Sidaasi Darteed Kenya Waa In Dalka Dhamaantiisba Lagasaaro, Cidii Xiriir Siyaasadeed Lasamaysana Danbiile Loo Adoonsadeen.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...