Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL: Ruushka oo Shaaciyey inay Midnimada Somalia tahay Lama Taabtaan iyo Fariintii Safiirka Muqdisho yimid

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ruushku u soo magacawday Soomaaliya  Mudane Mikhail Golovanov oo Madaxweynaha soo gaadhsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas  Vladimir Putin, wuxuuna ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xidhiidhka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.

ra Dawladda Ruushka oo ku hadlayey Magaca Madaxwaynaha dalka Ruushka ayaa sheegay in Midnimada iyo Madax Banaanida Soomaaliya ay tahay mid Muqdas ah, Islamarkaana ay ku Garab siin doonaan Soomaaliya waxay uga baahdaan Qarmada Midoobay.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay dib u xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay horumarka iyo dib u habaynta dhanka amniga iyo dhaqaalaha isaga oo Madaxweynaha kala hadlay qaabkii ay Dowladda Ruushku gacan uga geysan lahayd tababarka shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha amniga.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha la wadaagay dadaalka ay Dowladdu ugu jirto dib u soo noolaynta xiriirkii ay la lahayd waddamada adduunka iyo sida ay uga go’an tahay inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isaga oo ka guddoomay martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka Mudane Vladimir Putin kaasi oo ku aaddan ka qaybgalka Shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Kadigtoonaada Ruushka Horey Ayuu Soomaali “Dhabarka Uga Jabiyay”
    Dagaalkii (1977-dii) Soomaali Galbeed Lagu Xoreeynaayay.

    Maantana Dhulka Iyo Badaha, Soomaaliweyn Ee Laboobaayo Ayuu “Damaaci’ kahayaa.
    Foowdada Iyo Dagaalada Dalalalka
    “Mulimiin-ta Kasocda-na Ruushka Ayaa
    Qaybta Uguweyn Kaqaata.

    Xabashida-na Saaxiib Khaas Ah Ayuuba Layahay.

    Citiraam Waxaa Mudan Shacabkii Iyo Hogaankii Xabashi Dalka Xoogga Kaga Saaray. Laakiinse (Farmaajo Iyo Khayre) Maba Ogga Dadkii Dalkaan Axmaaro Iyo Kenya Kula Dagaalamay!!
    Walina Ladgaalamaaya??




ad

Latest News

Baroordiiq |Xaaskayga
- Jul 20, 2019
Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan ...
VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...