Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Dawladda Fedaraalka Oo Garoon Loogu Magacdarayo C/laahi Ciise Ku Bixinaysa 150, 000 oo Dollar

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Cali Khayre oo galabta dhallinyarada kula jimicsaday waqtina kula qaatay garoonka kubbaadda Cagta Cabdullaahi Ciise, ayaa  ka xog-wareystay caqabadaha haysta iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dhalliyarada ku nool magaalada iyo deegaanka ku xeeran.

Dhallinyada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay inay u baahanyihiin in horumarin lagu sameeyo garoonka si dhallinyarada leh hibada iyo hammiga sare ee ciyaaraha ay u helaan fursad wanaagan, korna loogu qaado isdhexgalka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay dhallinyaro uu kula kulmay Gaalkacyo u ballan qaaday qorshaha dowladda eeka qeyb qaadashada dhismaha garoonka ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay si buuxda uga qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda ee loogu magac daray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Ciise oo kamid ahaa dhallinyaradii SYL ee dhaliyay xornimada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay $150,000 uga qayb qaadaneyso dhismaha garoonka kubadda cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo.

Halbeegyada ugu waawayn ee tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa  qayb ka ah wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo tirada ugu badan ka ah bulshada Soomaaliyeed.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...