Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Maxaad ka taqaan Musharaxa Xildhibaan ee Jubbaland Mr. Aadan Asad Ibraahim?

Mr. Aadan Asad Ibraahim waa aqoonyahan ka soo jeeda gobalka Gedo, kaasoo ah musharax u tartamaya doorashada xildhibaanimo ee lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Jubbaland.

Musharax Xildhibaan ee Jubbaland Aadan Asad Ibraahim ayaa ka mid ah musharixiinta ugu aqoonta badan, kaasoo muddo dheer wax ku baranayay dalka Suudaan.

Waxaa Musharuxa uu haystaa Shahaadada Master Degree, taasoo u ka qaatay Jaamacadda ugu weyn dalka Suudaan ee taal magaalada Khartuum.

Aqoonyahan Aadan Asad Ibraahim ayaa waxbarasho dheer kadib aqoontiisi kula soo laabtay dalkiisa hooyo, kaasoo doonaya inuu uga faa’iideeyo dalkiisa iyo dadkiisa.

Musharaxa Xildhibaan ee Aadan Asad Ibraahim waxaa intaa u dheer inuu yahay Abwaan weyn oo ku caan baxay Halabuurka Suugaanta, kaasoo curiyay gabayo badan oo waddani ah oo dhamaan ka tarjumayo midnimada iyo hurumarka Soomaaliya.

Waxaa Musharaxu uu ugu baaqayaa shacabka deegaanada gobalka Gedo inay codkooda siiyaan, kaasoo ballan-qaaday in uu ka tarjumi doono rabitaankooda, isla markaana ku shaqayn doono codkooda.

Si kastaba ha ahaatee Musharax Aadan Asad Ibraahim waa aqoon yahan da’yar oo aad u firfircoon, kaasoo haddii uu ku guulayso jagada xildhibaanimo ee Jubbaland laga filayo inuu la yimaado wax qabad dhab ah.


Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo.com

———————————————–

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Jubooyinka Ninka Madaxda Kanoqonayaa
    Waa Inuu Balanqaado Xoreeynta”
    (NFD Iyo Ilaa Xeebta Mambaassa
    Iyo Waliba Inuu Dumiyo Siliga Balad Xaawo Iyo Mandheera) Kenya Kukala Oodey!.

    Ninka Doonaayaan Inuu “Kismaanyo Xukumo Waa Inuu Afka Kenya” Kamadnuuco Sheegashada Badda Soomaaliya. Kenya Waa In Ay Kabaqato Aflagaadada Iyo Sheegashada Dhul Ay Soomaaliweyn Ay Leedahay.

    Kenya Waa Iney Magdhow Kabixiso Boqol Sano Kudhawaadkii Ay NFD Gumeeysaneeysey!! Iyo Shacabkii Soomaaliyeed Ee Ay Kuxasuuqday, Iyo Hantidii Ay Dhacday.

    Sidaasi Aawadeed Nin Gobonimo Doonkii Ah Ayaaloobaahanyahay, Ee Nin “Xoolo Iyo Jaggo Doon Ah Looma Baahna.

    Nin ‘Caasimada Soomaaliweyn Ee Xamar” Hoos Yimaada Ayaanu Dooneeynaa, Ee Nin Nairobi Laga Xukumo Doonimeyno?.
    Nin Muslimiinta U Gargaara Ayaanu Dooneeynaa Ee (Gaallo Raac) Doonimeeyno.

    Runsheeg Geesi Ah Ayaanu Dooneeynaa,
    Ee “Fuley Beenaale” Ah Doonimeeyno.

    Nin Soomaali Dhalad Ah Ayaanu Rabnaa Laakiinse “Labawajiile” Danbe Kismaanyo Xukunkeeda Magayo??.

    Zawaaxili Madoobe” Yuusan Soonoqon??.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...