Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxda Afrika oo Isku Raacay Go’aan Taariikhi ah iyo Faa’iidooyin Balaadhan oo ku jira

Madaxda Africa ayaa maanta ku kulansan magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger, si ay ugu dhawaaqaan zoon ganacsi oo xor ah oo ka wada dhaxeeya dhamaan qaaradda Africa.

Barnaamijka Zoonka Ganacsiga Xorta ah Africa ayaa haddii uu guuleysto waxa uu mideyn doonaa 1 bilyan iyo 300 oo milyan oo qof oo ku nool Africa, waxana uu abuuri doonaa fursado ganacsi oo gaaraya $3.4 trillion oo doollarka Mareykanka.

Mashruucan oo Africa u furi doona bog cusub oo horumar dhaqaale ah, ayaa wadahadalkiisu ay soo billowdeen 17 sannadood ka hor, 

hase yeeshee kaddib afar sano oo wadahadallo aad u adag oo ay dhamaan madaxda Africa ka yeelanayeen ganacsiga xorta ah ee qaaradda ayay maanta hogaamiiyaasha dhaqaajiyeen mashruucan ganacsi.

Moussa Faki oo ka mid ah madaxda Midwoga Africa ayaa furitaanki shirweynaha madaxda Africa oo socon doona ilaa berri ka sheegay in maanta ay Africa u tahay maalin taariikhi ah.

Madaxweynaha Masar Cabdilfarax Al Sisi oo hadda ah gudoomiyaha Midowga Africa ayaa isna sheegay in indhaha caalamka oo dhan ay hadda soo eegayaan Africa.

Dalka Eritria ayaa noqday dalka kaliyah ee aanan saxiixin heshiiska zoonka ganacsiga xorta ah ee Africa, hallka Nigeria oo ah dalka ugu dhaqaalaha weyn Africa uu maanta saxiixay.

Tallaabada ugu horreysay ee iskaashiga ganacsiga xorta ah ee Africa ayaa ah in dalalka ay tuuraan ama aad u yareeyaan canshuuraha ay saari jireen badeecaha ay dalalka Africaanka kala iibsadaan, laakin waxaanan wali lagu dhawaaqin waqtiga rasmiga ah ee uu billaaban doono barnaamijkan.

Zoonka Ganacsiga Xorta ah ee Africa ayaa noqonaya kan ugu weyn caalamka, kaddib aas-aaskii Hey’adda Ganacsiga Aduunka ee WTO oo la sameeyay sannadki 1994-ki.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...