Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL: Muuse Biixi Hargeisa kusoo Noqday, Khudbad uu Jeediyey iyo Eedaymo uu DF Soomaaliya u jeediyey

Waxaa maanta magaalada Hargeisa kusoo noqday Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland, kadib Safar uu dhowr Casho ugu maqnaa Hargeisa.H

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyey ayuu uga hadlay Safarkii uu ku tagay dalka Gini Konokari, Iyo kulamadii uu dalka Itoobiya kula soo yeeshay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Culayska ay Dawadda Soomaaliya saartay Gini.

Si wacan ayey noo qaabileen, dabeetana weerarkan Xamar baa ayaa yimi culeys badan bay meelo badan ku mareen oo Talyaanigu ugu horreeyey, cadaadiska ugu weynna Talyaani ayuu ahaa, lakin qoladan Gini uma aysan dib cin, shalay markay tageen shirkii Africa wuxuu sheegay madaxweynaha Gini in Somaliland xaq u leedahay arinteeda” 

Biixii ayaa xusay in Taariikhda ay Soomaaliya leedahay inta badan ay ka timid dhinaca gobolada Waqooyi, Wuxuuna xusay Halgankiii Daraawiishta ee magaalada Taleex.

“Halgankii Daraawiishtu Somaliland buu ahaa oo Taleex dee waa Somaliland oo ciidankii dagaalmay Somaliland bay ahaayeen oo waatii aan ahayn halkii ugu horraysay ee Africa diyaarado lagu weeraro oo Koonfuri nalama wadaagto” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Wuxuu ka hadlay go’aankii Dawladda Soomaaliya ay ka qaadatay dalka Gini, wuxuuna sheegay inay Dawladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo in maamuus loo sameeyo Somaliland. “Maxaa ku kalifaya godobta intaas le’eg, Waana dad ka war haya wixii Somaliland gaadhay ” Ayuu yidhi Biixi.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Halgankii Daraawiishta Iyo Guud Ahaanba Gobonimo Doonkii Soomaaliweyn
    Gobolada Waqooyi Iyo Shacabka Reer Waqooyiba “Door Shariif Ah Ayay Kuleeyihiin.

    Laakiinse Arrinta Ladiidanyahay, Waa In Laqaybiyo Dhulka Soomaaliweyn,
    (Muuse Biixiyoow) Waxaad Kacarareeysaa Soomaaliweyn Oo Kujecel??

    Waxaadna Raadineysaa (Aduunyo) Aan KU Aqoonin.

    Gobolada Waqooyi Soomaaliweyn Ayaa Xoreeysay! Soomaaliweyn Ayaana Dhisatey. Soomaaliweyn Ayaana Iskaleh
    (Iimaanka) Allaha Idinkusugo Aamiin.

    Shacabka Gobolada Waqooyi “Cudurdaar Iyo Caaqiido” Loogamashquulinaayo Dhigikaro (Xamar) Yaan Latagin!!
    Qofkii Tagaana Waadanbiille Waana La Xirayaa.

    Taasina Waa Sababta Aad (Cabdi Maalik Muuse Codoon) Iyo Dadka El’u Sharafka Ah Aad U “Duleeysaneysid!!
    Xabsiyada-na Aad Oogu Caburineeysid.

    Laakiinse Ogoow Xaqa, Laguma Ciyaarro
    Laguma (Jees-Jeeso) Muuse Biixiyoow,
    Dhulkan Soomaaliweyn Ayaa Iskaleh Kibirka Iyo “Ciyaarta Joojiya.
    Diyaarado Ayaan Raacayaa Oo Dal Hebel Ayaa I Aqoonsanaaya” Dadka Haku *Harawsanina Adigga Iyo (Faysal Cali Waayaabe).

    Reer Waqooyi-yoow Dhowr Odey Oo Siyaasiyiin Ahi Yaysan Idin Go’doominin, Walaalihiina Soomaaliweyn-na Idin Nacsiinin.??




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...