Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Musharaxiinta Madaxweyne Ee Jubbaland Oo Qayladhaan Afka furtay, Maxay tahay Sababtu?

Xubna ka tirsan Musharaxiinta Madaxweyne ee Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku yeeshay shir Jaraa’id oo  degdeg ah, kuwaasoo eedayn culus u jeediyay maamulka Jubbaland.

Musharax Sheekh Daahir Axmed oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweyne ee Jubbaland ayaa sheegay in aanay marnaba  aqbalayn in 3 qof ay odayaasha dhaqanka soo gudbiyaan, isla markaana  guddiga doorashada mid ka xushaan, taasoo haddii ay dhacdo doorashada Jubbaland laga dhexli doono cawaaqibxumo.

Waxaa sidoo kale Musharax Sheekh Daahir uu xusay in odayaasha dhaqanka ay habboon tahay in aan lagu xarayn xarunta Daawad ee  lagu xareeyo Eeraboorka magaalada Kismaayo, halkaasoo oo uu arko goob dhexdhaxaad ah.

Musharaxa Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo isagana halkaas ka hadlay ayaa maamulka Jubbaland ku eedeeyay in uu u dirsaday codsi ah inuu qabto kulan ku saabsan musharaxnimadiisa, kaasoo aan la siin wax ogalaasha ah. Waxaana musharax Ciilmooge uu ugu baaqay guddiga doorshada in ay dhexdhaxaad ka noqdaan doorshada Jubbaland ee dhawaan la qabanayo.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ee Seeraar, kaasoo isagana eedayn culus dusha ka huwiyay maamulka Jubbaland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Puntland boy says:

    J/land uma baahna Khalalaase IWM ee waxay u baahan tahay is qancin iyo is dhageyso,J/land Doorasho xalaalla waa ineey ka dhacdaa J/land. Gudiga doorashada waa ineey dhex dhexaad u
    Noqdaan dhamaan musha rixiinta oo uu ka mid yahay Madaxweyne Axmed Islam oo Sharciga u yaal J/land lagu dhaqmaa lagana fogaado waxay ilatahay iyo waxay nala tahay, Biseyl siyaasadeed ayaa balantu tahay




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...