Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO: Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Dowladda FS

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan dalka Guinea ayaa sheegay in DF ay go’doomin ku heyso Somaliland, isla markaana ay ka horjeedo horumarada ay ku tallaabsatay, taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan.

“Maamulka Xamar mar walba waxay wadeen sidii ay u hagar-daameyn lahaayeen Somaliland, balse maamulkayagu taas uma joojinayo oo wuu sii wadi doonaa horumarrada iyo xiriirrada uu caalamka la sameynayo,” ayuu yiri Faratoon oo hadalkiisa ay ka muuqatay caro.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Somaliland dalal dhowr ah oo ku yaalla Afrika iyo caalamka intiisa kale ay xiriir wanaagsan la leedahay, balse Dowladda Somalia qorshaha ay wado ay ku weyn doonto saaxiibtinimada dalal badan.

Shalay ayay ahayd, markii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Jamhuuriyadda Guinea kaddib markii ay ku eedeeysay inuu ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku sugan xarunta dalka Guinea ee Conarky.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA WASIIRKA:

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Jama says:

    waxaan Sumaysan yaa naga aamusiiya. Wax Somaliland la yiraa ma jiro ee weligiin konteenarka sidaa ugu xirnaada.

    Labada beelood ee jeegaan Qarmuun xabashida ha aadan haday rabaan laakiin dhulku waa Somalia. Soomayana Soomaali baa leh.
    Soomaali diidku ha dhaco. Jeegaantu ha dhacdo.
    Viva Somalia




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...