Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ergeyga Midowga Afrika iyo wakiilka IGAD oo Dhuusamareeb gaaray

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Midowga Afrika iyo IGAD magaalada Dhuusamareeb.

Xubnahan ayaa markiiba la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayr oo muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.

Kullanka faahfaahin badan lagama bixin wali, balse waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dedaalo xal loogu raadinayo xaaladda Galmudug ka waday deegaannada dowlad-gobolleedka, waxaana ay hadda u muuqata dedaallada inay mira-dhal noqdeen oo dowlad-gobolleedka ay ka dhaceyso doorasho la wada ogolyahay. 


Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...