Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomaaliya oo Xiriirka u jartay Dalka Guinea

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Guinea, kadib markii sida ay sheegtay ku xad-gudubtay Qarannimada, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas ka hadlayey ayaa intaasi ku daray “Waxaa soo badanayey dalalka xad-gudubyadaas sameynaya, waxaa la soo gaaray waqtigii aan adduunka u sheegi laheyn in dowladda federaalka ah iyo umadda aaney u dul-qaadaneyn faregelin lagu sameeyo qarannimada”

Wasiirka oo shir jaraa’id oo xarunta wasaaradda ka dhacay ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay “Xukuumadda Soomaaliya waxay u taagantahay ilaalinta midnimada qarannimada Soomaaliyeed, go’aan kastana uu ku saleysan yahay u adeegga qarannimada Soomalaiya”.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dalkaasi tagay todobaadkan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, loona soo dhoweeyey qaab heer sare ah.


Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Dalalkii Reer Ee Soogumeeystey Afrika Sida (Ingiriis-ka Iyo Faransiiska)
    Wali Iyagaa Xukuma’ Dhaqaalaha Iyo Siyaasada Afrika.

    Ineey Ninkaas Gudoomiyaha Gobolada Waqooyi Ay Madaxweeyne Ugu Yeeraana Jacayl Uma Hayaan Ee Waa “Bahdil Ama Casharo (Caruuureed) Ayaa Loosoo Aqriyayaa.

    Tusaale “Jabuuti Waa Gobol Soomaaliyeed Laakiinse Faransiiska,
    Ayaa Wali Iska Maamusha,
    Dhaqaalaha Jabuuti 100%80
    Faransiiska Ayaa SI Qasab Ah Kuqaata,
    Wuxuuna Kaleeto Oo Uu Maamulaa Ama Jaangooyaa, Waxkasta Oo Illo Dhaqaale’ Iyo Siyaasadeed Iyo Bangiyada, Iyo Waxbarashada Iyo Waliba Luuqada.

    Waa Sababtaas Waxakeeey Gaajada! Iyo Dib U Dhaca Shacabka Jabuuti Kunoolyihiin?? Xitaa Koranto Iyo Biyo Nadiif Ah Malahan’ Waxbarashada Tayo Leh Ganacsina Haba Sheegin.

    Jabuuti Waa Gobol Istiraajiiti, Ah Khayraadkiisa Badana Allaah Kumaneeystay, Dad-kiisuna Yaryahay Waxayna Kunoolaankaraan Nolol Raaxoleh, Laakiinse (Maroodi) Ayaa Kudhex Bakhtiyay?? Waxaana Lasoogaaray Xiligii Lagajiidi Lahaa??

    Dalalka Muslimiinta Ah Ee Faransiiska Iyo Ingiriis-ku Ay Soo Gumeeysteena Wali Dhaqaaleheeda Iyo Siyaasadoodaba
    Iyaga Ayaa Iska Maamusha.?




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...