Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sucuudiga oo Shirqool ugu dhacay Yuhuuda iyo Qorshe Halis badan oo kusoo Wajahan

Illo wareedyo heerkoodu uu aad u sareeyo ayaa sheegay inuu jiro qorsho cusub oo lagu xoojinayo xiriirka laba dhinaclaha ah ee u dhaxeeyo Dowladda Sacuudi Carabiya iyo Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulalka Falastiin.

Warbixino khaas ah oo ay heshay Al- Khalij Online ayaa muujinayo inuu jiro wadahadalo u dhaxeeyo Riyadh iyo Tel Aviv- kuwaasoo ku saabsan heshiis la doonayo inay labada dhinac kala saxiixdaan si ay israa’iil Gudaha Sacuudiga uga sameysato Saldhig Militari.

Dowladda Sacuudiga ayaa dooneyso inay Israa’iil u furto 

Dowladda Sacuudiga ayaa dooneyso inay Israa’iil u furto albaab waligeed ka xirnaa oo aysan xataa macquul aheyn inay usoo dhawaato, waana qorsho ay israa’iil ku dooneyso inay si qoto dheer usoo dhexgasho dhulalka Carbeed.

Inkastoo markii horeba ay Israa’iil aheyd suuq ay Sacuudiga kasoo iibsato hubka kuna bixiso Malaayiin Dollar, haddana Israa’iil taas kuma qanacsano oo waxay dooneysaa inay soo dhexgasho carabta iyo Islaamka.

Isha Israa’iil ayaa markaan kusoo jeedo dhulka Sacuudiga, iyadoo dooneyso inay ka sameysato Saldhig Militari iyo Garoon Diyaaradeed oo ay isticmaalaan ciidamadeeda si ay saameyn ugu yeelato Gobolka, waxayna goobtaas noqoneysaa meel ka caagan Dadka iyo Maamulka Sacuudiga.

Heshiiska labada dhinac ay wada geli rabaan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah inay Israa’iil isticmaasho shidaalka Sacuudiga, in Sirdoonka Israa’iil loo ogolaado inay soo galaan gudaha dalkaas si ay howlo jaajuusnimo uga fushadaan.

Illo wareedyo Carbeed ayaa tilmaamay inay Israa’iil dalabkaan bil ka hor u gudbisay Sacuudiga, haddana ay ficil ahaan u bilowdeen wadahalada ku saabsan.

Qodobada ugu halista badan ee heshiiskaas ku jiro waxaa kamid ah in dhulka Saldhigga laga sameenayo uu noqonayo mid ijaar ah oo ay Israa’iil dhaafsaneyso alaab ama agab mudo dheer la adeegsan karo, wuxuuna dalabkaan u ogolaanayaa in dhulkaas Sacuudiga ku yaal uu gacanta u geli doono gumeysiga Israa’iil.

Al-Khaliij Online ayaa sheegtay inay labada dhinac isku fahmeyn heshiiska isla markaasna waxaa la xaqiijiyey inay Riyaad siisay Israa’iil dhulkii saldhigaas laga sameyn lahaa.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Siyaasada Yuhuuda Cidii Wax Kudarsataa Igaa SI Deg Deg Ah Ugu Qasaaridoona. Dhibil Dab Ah Ninkii Qabsada Sii Daa Lamayiraahdo.

    Laakiinse Dhul Boobka Ay Gaaladu Kusooqaaday,Dalalka Muslimiinta “Sacuudigga Oo Laliya Ma’ahee Waybadanyihiin!.

    Soomaaliya-na Waykujirtaa Oo Ciidamo Shisheeye Ayaaba Iska Maamulanaaya,
    Oo Yaa Og Iney “Yahuudi” Kujirto??
    Waasuurtagal.
    Badaha Soomaaliya (Jabuuti Illaa Kismaanyo Iyo BARBARA Iyo Boosaaso Iyo Baraawe) Midkoodna Gacan Soomaaliyeed Kumajirto.

    Kaba Siidarane Kenya Oo Cawaandi Ah Ayaaba Dhulkii Iyo Badii Soomaaliya Iska Maamulaneeysa. Cajaa’ib Soowma’ahan?

    Sidaasi Darteed Dalka Ciidamada Shisheeye Halaga Saaro, Oo Ay Reer Galbeedku Ugu Horeeyaan Sababtoo Ah “Gumeeysi Iyo Qashin Oo Dhaba Ayagaa Dabada Kuwata.

    Sayidkuna Waadiiday Inuu Sookala Dhaweeysto Gaallo Cadaankooda Iyo Madoowgoodaba!!

    Rasuulkeena Suubanina CSW Gaallo Madoowgoodaba Iyo Cadaankoodaba” Waa Iska Fogeeyay. Sababtoo Ah Shartoodu Waa’iskumid, Hoostana Waykawada Scdaan, Laakiinse Soomaalida Qaarkood Ma’ogga.

  2. c/qani says:

    Sixid:
    Kaliya.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...