Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-R/wasaarihii hore ee Saacid Shirdoon oo Khudbad qiima leh ka jeediyay munaasabada Kowda Luuliyo oo ka dhacday Ingiriiska

Ra’isulwasaarihii hore ee Dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabadda kowda Luuliyo ee sanadkaan 2019 uga qayb galay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Waxaa Mudane  Cabdi Faarax  Shirdoon (Saacid) uu munaasabadda ka jeediyay Khudbad kooban oo qiimo iyo qiiraba leh, taasoo uu uga hadlay arima badan oo ku saabsan taariikhda halkankii gobnanimadoonka iyo israaca labada gobal ee soomaaliyeed ee waqooyi iyo Koonfur.

Waxaa mudane Shirdoon uga horayntii uu u mahad-celiyay, isla markaana u hambalyeeyay musuuliyiin hore ee Dawladda Fedaraalka ah oo goobjoog ahaa xafladdaas, kuwaasoo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Axmed iyo Jaaliyadda reer Bristol ee soo qaban-qaabisay iyo dhamaan dadkii kasoo qayb galay munaasabadda 1 Luuliyo ee ka dhacday magaalada Bristol.

Khudbad kooban oo uu Mudane Shirdoon halkaas ka jeediyay ayuu si fiican ugu faahfaahiyay, marxaladihii uu gumaysigu soo mariyay dalka iyo dadka soomaaliyeed, kaasoo sheegay in labadii gobal ee Koonfur iyo Waqooyi, markii ay ka baxeen gacanta gumaysiga, ay si shuruud la’aan ah ku midoobeen, taasoo ahayd arrin aan horey uga dhicin taariikhda dunida, isla markaana ahayd mid lagu faani kara oo ka turjumaysa waddinyadda dadka soomaaliyeed.

Ma ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo khudbaddii uu Mudane Cabdi Shirdoon halkaas ka jeediyay, hase yeeshee ugu dambayntii waxaa u xusay in dadka soomaaliyeed ay leeyihiin taariikh fog oo ku saabsan halkankii ay usoo mareen xornimada macaanka badan ee ay maanta harsanayaan, taasoo mudan, in la is xasuusiyo, waxna laga barto, lugana faano, isla markaana jiilasha soo korayo loo sheego ama la baro.

HOOS KA DAAWO KHUDBADDII SHIRDOON OO DHAMAYSTIRAN

………

Daahir F. Afdheere

Email. owsame1@yahoo.com

————————————————

Saadaal.com

saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...