Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Mareykanka oo dib u bilaabayo taageero uu siin jirtay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed

War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017.

Dib u bilaabidda taageeradii Dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo kamid ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washington ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay ku bixisay dib u habeyntii ay ku sameysay ciidamada,kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay diwaangelin ku aadn xaqiijinta ciidankaasi tirakoobkooda.

Sidoo kale Mareykanbka ayaa muujiyay sida loogu guuleystay Isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee dalka,taasi oo abuurtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka ay dowladda Soomaaliya u dejisay sida loo maamulo dhaqaalaha ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaana kaalintan Mareykanku uu qaadanayo ay dhiirogelinaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo dib u dhiska ciidanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Dowlad Waliba Madax Banaani Ayay Danteedu Kujirtaa, Laakiinse Hadiiba Dowlad Kaleeto Kumaamuldeyso Dalkaasi Xor’ Ma’ahan.

    Ciidamadu Dalkasta Waa Arrin U Khaas
    Ah Soomaaliweyn Dalkeeda Way Kufilantahay, Xabashi Iyo Kenya Iyo Waxlamid Ah Dalkaani Uma Baahna.

    Dhulka Iyo Cirka Badda, Soomaaliya Wayka “Caaganyihiin) Faragalinkasta Oo Shisheeye zNoocaaydoonto Ha Shaatee, Cid U Fasixikartaana Majirto!!

    Dalka Soomaaliweyn *Laba Madaxweeyne* Umabaahna!!
    Nimankaani Dalka Madaxda Ka’ahoow Hiiba Aynaan Awoodin Hogaanka Dalka Iyo Cadaalada In Aad Mas’uuliyadeeda, Aadaaadaan Cidina Idiinma Baahna Ee Iska Wareejiya Xilka Dalkah.

    Laakiinse Inaad Dalka Gumeeysi Cusub Galisaan, Ciidamo Dhulaka Soomaaliya Lagu Weeraraayo!!! Oo Ciidamo Shisheeye “Caratuur” Ah Iyo Macawisleey Isbaaro” Dhiganeeysa Iyo Shacab Laleeyahay Isasoo Jaajuusa!!

    Waxaasi Dhaqan Soomaaliyeed Ma’ahan
    (Iimaam Axmed Gureey Iyo Sayid Maxamed Iyo Leego Iyo Siyaad Barre) Midkoodna Masameeyn Gaalana Wehelkama Dhigan, Waa Dhaqan “Xabashi” Kaga Bartay!! Waana Gunimo Tii Uguxumeeyd.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...