Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Nin Ka Soo Dhacay Diyaaradda Kenya Airways Oo Meydkiisa Laga Helay Magaalada London

Beer kutaala magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa laga helay meydka nin la tuhmayo in uu kasoo dhacay Diyaarada Kenya Airways oo ku dageysay garoonka diyaaradaha ee Heathrow.Advertisement

<

Meydka ninkan wali aan la aqoonsan ayaa laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, oo kutaala koonfur galbeed London, waxaana meydka arkay nin xiligaasi ku sugnaa beerta uu kusoo dhacay.

Waxaa loo badinayaa in ruuxa meydkiisa la helay in uu isku soo qariyay qeybta taayarada ee Diyaarada Kenya Airways oo kasoo duushay magaalada Nairobi, waxaana goobta la tuhmayo laga helay boorso ,cunno iyo cabitaan.

Booliiska magaalada London ayaa bilaabay in ay baaritaano ku sameeyaan meydka ninkan diyaarada kasoo dhacay, waxaana la filayaa in booliiska kiiskan war kasoo saaraan marka baaritaanada dhamaadaan.Advertisement

Afhayeen u hadlay shirkadda Kenya Airways ayaa sheegay in ay xiriir dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaaro meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay, waxa uuna afhayeenka xusay in diyaaradooda baaritaano kadib aan wax dhibaato ah lagu arkin.

Dhacdadan ayaana aheyn tii ugu horeysay oo London lagu arko, waxaana dhowr mar oo hore meelo ku dhaw dhaw garoonka Diyaaradaha Heathrow lagu arkay meydadka dad kasoo dhacay diyaarado ay isku soo qariyeen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...